NIYAD-JAB: Waa Maxay Sababta Nura Abdullahi Looga Joojiyey Gebi Ahaanba Ciyaaraha Kubadda Cagta?

Iyadoo 21 sannadood oo kaliya cimrigiisu yahay ayaa loo sheegay inuu bixiyo kabaha kubadda, isla markaana ka shaqeeyo sidii uu kaliya u noolaan lahaa, isagoo ilaashanaya caafimaadkiisa.

Nura Abdullahi ayaa lagu qasbay inuu hawlgab ka noqdo gebi ahaanba ciyaaraha kaddib markii baadhitaano lagu sameeyey ay xaqiijiyeen in caafimaadkiisu halis ku jiro.

21 jirkan u dhashay waddanka Nigeria ayaa waxa uu difaaca uga ciyaaraa kooxda kubadda cagta Roma ee ka dhisan waddanka Talyaaniga, waxaana uu kula jiraa qandaraas soconaya illaa sannadka 2021.

Bishii March ee sannadkii 2018 ayay Roma siisay Nura Abdullahi waqti nasasho ah kaddib tijaabooyin dhinaca wadnaha ah oo lagu sameeyey, kuwaas oo lagu ogaaday inay jirto dhibaato ka haysata wadnaha oo sabab u noqon karaysa inuu naftiisa waayo haddii uu garoomada kusii jiro.

Roma ayaa la sheegay inay si fiican ula dhaqantay ciyaartoygan, ayna u ogolaatay in isaga oo bannaanka jooga uu dhamaysto heshiiskiisa oo uu mushaharooyinka iyo gunnooyinka iska qaato illaa badhtamaha sannadka 2021, hase yeeshee, BBC Sports ayaa waxay sheegtay in maamulka Roma ay doonayaan inay shaqo kale oo aan ahayn ciyaarista siiyaan Nura Abdullahi oo uu u noqdo safiir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*