Maxaad Ka Xusuusataa Ciyaartoydii Barcelona & Liverpool Shaxahooda Ku Soo Bilawday Kulankii Ugu Danbeeyay Ee Ay Camp Nou Ku Ciyaareen?

Bishii February 2007kii waxay ahayd habeenkii ugu danbeeyay ee ay Barcelona iyo Liverpool iskugu soo galeen garoonka Camp Nou ee ay caawa ku balansan yihiin, waxaana muddadii ka soo wareegtay kulankan jiray isbadal wayn oo dhinaca ciyaartoyda ah oo ay labada kooxood soo mareen.

Watigii ugu danbeeyay ee ay Liverpool iyo Barcelona ku ciyaareen garoonka Camp Nou waxay ahayd February 2007 kii markaas oo ay labada kooxood iskaga hor yimaadeen kulankii lugtii kowaad ee wareega 16ka kooxood ee Champions league waana kulankii ay Liverpool guusha 2-1 ka ahayd soo gaadhay.

Inkasta oo ay Barcelona kulankii Anfield ee lugtii labaad ay guul 1-0 ah gaadhay, haddana Liverpool ayaa Barcelona oo koobka UEFA Champions League difaacanaysay waxay ka cidhibtirtay tartankan, laakiin ciyaartoydii labada kooxood waqtigaas ugu soo bilawday maxaad ka xusuusataa?.

Hal ciyaartoy oo kaliya oo Barcelona shaxda kooxdeeda ku soo bilawday kulankii February 2007 ee Liverpool ayaa caawa markale ku soo bilaaban doona shaxda kooxda Barca kaas oo ah Lionel Messi, laakiin dhamaan ciyaartoydii kale ee Barca ayaanu hal ciyaartoy oo kale ka joogin.

Laakiin Liverpool ma jiro hal ciyaartoy oo kulankii Barcelona ee February 2007 ka qayb galay oo hadda kooxda Reds ka tirsan, taas oo la micno ah in Messi uu yahay xidiga kaliya ee ka badbaaday dhamaan ciyaartoydii kooxihii Barcelona iyo Liverpool ee kulankii ugu danbeeyay ee Camp Nou.

Deco ayaa markaas Barcelona u dhaliyay goolkii furitaanka ee ciyaartan isaga oo daqiiqadii 14 aad shabaqa Liverpool ku gaadhay karoos uu ka helay Gianluca Zambrotta laakiin Liverpool ayaa guul soo laabasho ahayd ku gaadhay laba gool ay dhaliyeen Craig Bellamy iyo John Arne Riise.

Halkan kaga bogo Shixihii Barcelona- Liverpool ee kulankii Camp Nou ugu danbeeyay ee February 2007 iyo waliba ciyaartoydii ay labada kooxood ku shaqeeyeen:

Barcelona:  Victor Valdes, Belletti, Marquez, Puyol, Zambrotta, Xavi , Motta , Deco, Messi, Saviola , Ronaldinho.

Badalkii: (Gudjohnsen 82), (Giuly 65), (Iniesta 54)

Badal aan La Isticmaalin: Jorquera, Van Bronckhorst, Thuram, Oleguer.

Goolkii Barcelona: Deco 14.

Liverpool: Reina, Arbeloa, Carragher, Agger, Riise, Finnan, Sissoko , Alonso, Gerrard, Bellamy ,Kuyt .

Badalkii:(Pennant 80), (Zenden 84),(Crouch 90)

Badal Aan La Isticmaalin: Dudek, Hyypia, Gonzalez, Mascherano.

Goolashii Liverpool: Bellamy 43, Riise 74.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*