Maurizio Sarri Oo Go’aanka Mustaqbalkiisa Miiska U Saaray Maamulka Chelsea, Una Caddeeyey Halka Wax Ka Khaldameen

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea, Maurizio Sarri ayaa maamulka kooxdiisa ku wargeliyey go’aanka ku saabtan mustaqbalkiisa, xilli ay soo baxayso in aanu mulkiile Ramon Abramovic ku qanacsanayn shaqadiisa.

Tababaraha Talyaaniga ah ayaa si xawli ah ku bilaabay shaqada Blues  horraantii xili ciyaareedka, laakiin mar kaliya ayay dafirtay shaqadii fiicnayd waxaanu hadda ku jiraa kaalinta afraad, laakiin maanta ayay ballansan yihiin Manchester United, taas oo uu uga baahan yahay guul si usoo qabto Tottenham oo saddexaad fadhida.

“Kubadda cagta Ingiriisku way ka duwan tahay ta Talyaaniga, ma doonayo inaan sheegayo inay ka xun tahay iyo inay ka wanaagsan tahay, laakiin way  ka duwan tahay. Horyaalka Premier League waa mic ajiib ah, waxaanan doonayaa inaan kusii  negaado Premier League. Waxaan doonayaa inaan sii joogo Chelsea, sababtoo ah heerkeedu aad iyo aad ayuu u sarreeyaa.” Ayuu yidhi Maurizio Sarri.

Macallinka Chelsea waxa uu amaanay qaabka ay yihiin garoomada kubadda cagta Ingiriiska, waxaanu yidhi: “Jawiga garoomadu xaqiiqadii waa mid cajiib ah, waxaanan doonayaa inaan sii joogo.”

Sarri waxa uu aaminsan yahay inuu u baahan  yahay xili ciyaareed kale amaba laba sannadood oo kale si uu usoo qabto farqiga Manchester City iyo Liverpool ka horreeyaan, isla markaana uu ula dagaal geli karo.

Isaga oo yimid London 22 maalmood ka hor bilowgii xili ciyaareedka, waxa uu ka hor tegay Manchester City oo ay isku heleen ciyaartii Community Shield, waxaana qaadatay City, laakiin isagu canaan kuma lahayn sababtoo ah, ma hoggaaminin kooxda ciyaarihii is-diyaarinta ee Maraykanka.

“Dhibaatadu waxay ahayd waqtiga dambe ee aan imid, sababtoo ah laba ama saddex toddobaad oo kaliya oo aanu ku shaqayno ayaanu haysanay. Kaddib dhamaadkii August waxaanu bilownay inaanu saddex maalmood oo kasta ciyaarno. Markii aan Joogay Naples, waxaan awood u lahaa xili ciyaareed kasta inaanu samayno 60 tababar oo ku saabsan hannaanka khadka difaaca. Halkan, waxaan helay 11 ama 12 khad tababar oo khad difaac, markaa aad ayuu uga duwan yahay. Waxa laga yaabaa inaan u baahnaa waqti aan kula qabsado kubadda Ingiriiska. Waana wax  caadi ah.” Ayuu mar kale yidhi Tababare Sarri.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*