Jamaahiirta Real Madrid Oo Codsaday Inuu Iscasilo Florentino Pérez Iyo Xilliga Ay Doonayaan Inuu Shaqada Ka Tago

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka dalbaday Madaxweyne Florentino Perez inuu iska casilo xilka, kaddib markii ay xalay kooxdaasi barbar-dhac goolal la’aan ah la gashay Getafe.

Los Blancos oo marti u ahayd Getafe ayaa lasoo laabatay hal dhibic oo kaliya, laakiin Jamaahiirta ayaa gudaha garoonka kusoo bandhigay qoraallo waaweyn oo ay hore usoo diyaarsadeen, kuwaas oo ay kaga codsanayaan madaxweyne Perez inuu banneeyo kursiga uu muddada dheer ku fadhiyey.

Inyar intii aan loo bixin waqtiga nasashada, qaybtii ay fadhiyeen taageereyaasha Real Madrid ee garoonka Coliseum Alfonso Perez waxa qabsaday qoraallo dhaadheer oo ay ka mid ahaayeen “Florentino vete ya” taas oo macnaheedu nqoonayo “Florentino, iska bax hadda.”

Usbuucii hore ayay taageereyaasha Real Madrid si isku xigta ugu soo bandhigeen gudaha garoonka codsi ay ku doonayaan in Perez uu iska casilo shaqada madaxtinimada, waxaana toban malmood ka hor ay si badheedh ah ugu eedeeyeen in isagu uu leeyahay masuuliyadda hoos u dhaca ku yimid naadigooda.

Kulankii Leganese ay la galeen barbarraha 1-1 ah, waxay jamaahiirtu soo qaateen boodhadh ay ku qornaayeen: “Florentino, adigaa eedda iska leh.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*