Waa Maxay Sababta Ajax Ay Ugu Faraxsan Tahay In Difaaceeda Matthijs de Ligt Uu Ku Biiro Barcelona?

Sida uu sheegay Khabiirka Ciyaaraha ee u dhashay waddanka Spain, Guillem Balague, kooxda kubadda cagta reer Netherlands ee Ajax ayaa doonaysa in xiddigeeda difaaca ee Matthijs de Ligt ay ku iibiso lacag u dhaxaysa €60m-70m oo u dhiganta (£52-61m).

Matthijs de Ligt oo ka mid ah ciyaaryahannada kasoo baxay kulliyadda da’yarta kooxdaas ayay da’diisu tahay 19 sannadood, laakiin kooxaha ugu waaweyn Yurub ayaa dhamaantood ku dagaallamaya, laakiin wararka qaarkood ayaa sheegaya in kooxdaasi doonayso in ugu yaraan ay ku iibiso lacag la mid ah intii ay Liverpool ku iibsatay difaaceeda Virgil Van Dijk oo ahayd £75m.

De Ligt ayaa tayadiisa ciyaareed kusoo bandhigay kulamadii Champions League ee xili ciyaareedkan, iyadoo uu si adag u xakameeyey xiddigaha Juventus oo ay ka reebeen tartanka, iyadoo ay horena usoo cuneen Real Madrid oo wareeggii 16-ka ay aakhiro ugu direen.

Khabiirka ciyaaraha ee  Guillem Balague ayaa bartiisa YouTube-ka waxa uu ku sharraxay sababo muujinaya in Barcelona ay qarka u saaran tahay heshiiska daafacan, sidoo kalena ay kooxda Ajax ku faraxsan tahay inay aqbasho dalabka miiska u saaran ee uga yimid Camp Nou.

“Dhibaatadu waxay tahay, in aanay wada-xahadal badan yeelanin Barcelona iyo Ajax, laakiin hore ayay (Ajax) u sheegtay in haddii De Ligt uu doonayo oo uu go’aan ku gaadho inuu Barcelona tago si la mid ah Frenkie De Jong, amaba aad koox kasta oo kale doonayso, ma jiri doonto wax dhibaato ah oo labada naadi dhexdooda imanayaa, sababtoo ah qiimihiisa ayay miiska saareen, mana aha midka ugu qaalisan, waxa uu gaadhi doonaa 60/70 milyan. Waxay ku farxayaan meesha uu ciyaartoygu farxadda ku dareemayo ee uu rabo inuu tago.” Sidaas ayuu yidhi Guillem Balague.

“Tani waa tusaale kale oo muujinaya sababta ay Ajax u tahay koox ka duwan. Markaa wada-hadalku wuxuu ka bilaaabmay ogolaanshaha ay Ajax siisay De Ligt iyo Barcelona.” Ayuu ku daray.

Khabiirku waxa kale oo uu tilmaamay in De Ligt uu dooran doono inuu ku biiro Barcelona oo ay isku raacaan saaxiibkii De Jong oo ku qanciyey inay isku raacaan Camp Nou.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*