Cristiano Ronaldo Oo Magacaabay Liiska Shanta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Juventus La Soo Wareegto Iyo Max Allegri Oo Ay Ka Wada Hadleen

Kooxda Juventus ayaa dhawaan markii siddeedaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka ay iska yeelatay ee horyaalka Talyaaniga laakiin hamigii xili ciyaareedkan ugu waynaa ee ay Old Lady lahayd ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii ay si xun uga soo hadheen tartanka UEFA Champions league.

Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horaysay muddo 9 sanadood ah waxa uu ka maqan yahay afar dhamaadka UEFA Champions League kadib guuldaradii Juventus ka soo gaadhay Ajax laakiin waxa uu haddaba Ronaldo doonayaa in ay kooxdiisu la soo saxiixato ciyaartoy ay xili ciyaareedka soo socda ugu guulaysan karaan UCL.

Wargayska caanka ah ee Corriere dello Sport oo ka soo baxa dalka Talyaabiga ayaa shaaciyay in Cristiano Ronaldo uu miiska soo saaray liiska shan ciyaartoy oo uu doonayo in kooxdiisu ay la soo saxiixato wuxuuna warkani sheegay in ay haddaba Ronaldo iyo Max Allegri liiskan ka wada xaajoodeen.

Sida lagu sheegay warka Corriere dello Sport, waxaa liiska shanta ciyaartoy ee uu Ronaldo la doonayo kooxdiisa Juventus halka ugu saraysa kaga jira da’yarka dalkiisa Portugal ka soo dhex baxay ee  Joao Felix kaas oo ay kooxo badan oo waa wayn oo Yurub ka dhisani ay ku dagaalamayaan.

Ronaldo ayaa maamulka kooxdiisa Juventus ka doonaya in ay 19 sano jirka kooxda Benfica ee  Joao Felix ay kooxdooda keenaan si uu uga mid noqdo isbadalka uu ka doonayo xili ciyaareedka soo socda.

WARBIXIN: In Dagaalkii Ronaldo & Messi Dhamaaday, In Cristiano Dhabarka Kaga Jabay Juventus, Tusaalihii Zlatan Ibrahimovic Iyo Xogta Qodobaysan Ee Caddaynta Ah

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda uu Ronaldo ka doonayo Juventus ku jira xidigihii ay Madrid ka soo wada ciyaareen ee  Raphael Varane iyo Isco waxaana xogtan lagu cadeeyay in Ronaldo uu u arko in labadan xidig ay xoojin karaan Juventus balse ay sidoo kale wiiqi karaan awooda Madrid oo ka mid ah kooxaha uu cabsida uga qabo tartamada kooxaha Yurub ee xili ciyaareedka soo socda.

Labada xidig ee kale ee uu Ronaldo doonayo ayaa lagu sheegay in mid ka mid ahi uu yahay Federico Chiesa  oo ka tirsan kooxda Fiorentina iyo xidiga ay kooxaha badani doonayaan ee Tanguy Ndombele oo ka tirsan kooxda Juventus.

Wararka ayaa sheegaya in Ronaldo iyo tababare Maxi Allegri ay haddaba ka wada hadleen liiska ciyaartoydan balse waxaa la arki doonaa haddii uu maamulka Juventus qaadi doonto talaabo ay ciyaartoydan kula soo wareegi doonaan.

Saddexda Meelood Ee Ay Ku Kala Adkaan Karaan Man United & Man City, Lixda Ciyaartoy Ee Dagaalka Ugu Weyn Dhex Mari Doono Iyo Goobaha Laga Go’aamin Doono Natiijada

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*