Unai Emery Oo Ugu Dambayn Qirtay Inuu Ka Qaldanaa Mesut Ozil, Una Qiray Waxqabadkiisa

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xalay soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League kaddib markii ay 2-0 kaga adkaatay Newcastle oo ay ku martigelisay Emirates.

Tababare Emery ayaa shaxdiisa koowaad kusoo bilaabay Ozil oo uu si badheedh ah kaydka u dhigi jiray in badan oo xili ciyaareedkan ah, waxaana uu laacibka reer Germany ku jiray garoonka illaa daqiiqaddii 85aad oo uu udub-dhexaad ka ahaa farshaxanka kubaddii quruxda badnayd ee guusha ay ku heshay Arsenal.

Markii ay ciyaartu dhamaatay, tababare Emery ayaa qiray in waxqabadka iyo kubadda cajiibka ah ee Ozil uu ciyaarayo ay ka caawisay kooxdiisa inay guuleysato.

“Waan jecelahay sida uu ciyaartoy kastaa u ciyaarayo, laakiin Mesut oo soo bandhigaya tayadiisa ayaa na caawinaya, waxaanu na siinayaa shaqadiisa. Sidoo kale, wuxuu leeyahay awoodo gaar ah, tayo iyo karti uu nagu caawiyo.” Sidaas ayuu yidhi Emery oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib.

Inkasta oo aanu wax gool ah dhalinin, Ozil ayaa waxa xalay loo doortay laacibkii ugu fiicnaa garoonka, waxaanu ka sarreeyey nimankii goolasha dhaliyey ee Ramsey iyo Laca.

“Mesut wuxuu u ciyaarayaa sidii aanu doonaynay, nidaam ahaan iyo farsamo ahaanba. In badan ayuu shaqaynaya, kaddibna waxa uu nagu caawinayaa tayadiisa.” ayuu mar kale yidhi Emery.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*