HORDHAC: Man United vs Wolves – Solskjaer Oo Doonaya Inuu Iska Maydho Guul-darradii Wolves Kaga Reebtay FA Cup, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Rikoodhka Kulamadii Hore U Dhaxmaray

Manchester United ayaa caawa safar ciyaareed ugu tegay Wolverhamton Wanderers, waxaanay dagaal u geli doontaa sidii ay uga soo aarsan lahayd khasaarihii ay kooxda Nuno u geysatay ee sababta u noqday in Red Devils ay ka hadhaan tartanka FA Cup.

Wolves ayaa wareegga siddeed dhamaadka ee FA Cup saddex usbuuc ka hor ku tuntay United waxaanay u dhiibtay 2-1, taas oo Solskjaer u diidday fursaddii ugu fudayd ee uu koob ku hanan lahaa, maadaama aanu wax hunguri ah ka haynin Premier League, sidoo kalena Champions League uu yahay kan ugu adag ee ay koox ku guuleysan karto.

Kooxda martida loo yahay ee Wolves ayaa xili ciyaareed wanaagsan ku bilowday horyaalka Premier League iyadoo sannadkii hore kasoo dallacday heerka labaad, waxaanay ku jirtaa kaalinta toddobaad iyadoo kusoo xigta Chelsea. Hore waxay usoo garaacday kooxo waaweyn, waana naadi bandhiggiisa ciyaareed uu yahay mid cajiib ah.

Tababare Nuno oo u dhashay waddanka Portugal ayaa bilowgii xili ciyaareedka waxa uu keensaday laacibiin da’yar u badan oo wacdaro dhigay, kuwaas oo sababay in waqtigan ay Wolves ku hamido inay kaalinta lixaad soo gasho oo ay Chelsea ku qabsato si ay uga qayb geli karaan tartanka Europa League xili ciyaareedka dambe.

Waxyaabaha cajiibka ah ee ay Wolves muujisay waxa ka mid ah in lixda kooxood ee waaweyn ay ka qaadatay 10 dhibcood, taas oo ka dhigan in saddex ka mid ah ay garaacday midna barbar-dhac la gashay, halka United na ay ka saartay FA Cup, laakiin bandhigga lixdii kulan ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ayaa u muuqday inay dhibaataysan tahay xilliyadan dambe, iyadoo guul gaadhay hal kulan, saddex barbarro ah iyo laba laga badiyey.

Dhinaca kale, Manchester United oo laba guul-darro oo isku xigay ay soo gaadhay ayaa u baxday ciyaarihii caalamiga ahaa, si ay niyad ahaan ugaga soo kabato karbaashkii ay Wolves iyo Arsenal ku dhufteen, run ahaantiina si buuxda ayay uga soo kabteen iyagoo 2-1 ku dhuftay Watford Sabtidii.

Ciyaartii Sabtidii ayaa ahayd kulankii ugu horreeyey ee tababare Ole Gunnar Solskjaer uu hoggaamiyo Manchester United isagoo ah tababare rasmi ah kaddib markii Khamiistii toddobaadkii hore uu qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah oo uu sannadkii ku qaadanayo mushahar dhan 7 milyan oo Gini.

Marcus Rashfrod iyo Anthony Martial ayay ahaayeen xiddigihii Sabtidii farxadda ka dhaliyey Old Trafford, waxaanu ahaa kulan taariikhda galay maadaama uu noqday markii ugu horreysay ee tan iyo xili ciyaareedkii 1995-96 ay afar ciyaartoy oo kooxda koowaad ah dhaliyaan min toban gool iyo ka badan, waxaana sannadkaas min toban gool iyo ka badan dhaliyey Paul Scholes, Andy Cole, Ryan Giggs iyo Eric Cantona, halka ay sannnadkana Martial, Rashford, Lukaku iyo Pogba uu mid walba dhaliyey goolal toban ka badan.

Xogta Kulanka:

Ciyaarta: Wolves vs Man United

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 9:45 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Molineux Stadium

Garsooraha: Mike Dean

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Tababare Nuno ayaa ciyaartan dib u helaya xiddigiisa Ryan Bennett oo ganaax laba ciyaarood ah soo dhamaystay kaddib markii uu kaadh isku-gaadhay qaatay, mana jiro wax dhibaatooyin ah oo kooxdiisa haysta, iyadoo uu taam u yahay ninka aan la qaban karin ee Adama Traore.

Dhinaca Manchester United waxa ka maqnaan dooona Alexis Sanchez, Antonio Valencia, Matteo Darmain iyo Eric Bailly oo aan weli kasoo kabanin dhaawacyadii ay u jiifeen, waxaase soo laabtay Romelu Lukaku iyo Victor Lindelof oo kasoo kabtay dhaawacyo fudud.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

 

Wolves: Patricio; Bennett, Coady, Boly; Doherty, Dendoncker, Neves, Moutinho, Jonny; Jimenez, Traore

Manchester United: De Gea; Young, Smalling, Jones, Shaw; Herrera, McTominay, Pogba; Lingard; Lukaku, Rashford

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*