Binu-aadam Ayaan Ahay, AFAR Maalmood Ayaan BAASTO Cunayey, Dareemayaashaydana… – Gacalisada Cristiano Ronaldo Ee Georgina Rodriguez Oo Dood Ka Keentay Sheekada Uurkeeda

Wargeys kasoo baxa dalka Portugal ayaa toddobaadkii hore shaaciyey in gacalisada Cristiano Ronaldo ee Georgina Rodriguez ay xaamilo tahay mar kale dhawr bilood kaddib markii ay dhashay ilmihii saddexaad.

Wargeyska El Pais ayaa soo bandhigay sawirro laga qaaday Georgina xilligii ciyaaraha qaramada, waxay ku sheegeen in caloosheedu kuusan tahay  oo ay tahay caddayn in ay siddo ilmihii afraad ee ay Cristiano Ronaldo u dhalayso, kaas oo noqonaya canuggii shanaad ee laacibka reer Portugal loo qaado.

Haddaba Georgina Rodriguez ayaa qiratay in caloosheedu kuusnayd oo ay u muuqatay in ilmo ku jiro laakiin ay been tahay arrinta uu wargeysku qoray ee ah inay uur leedahay, waxaanay ku doodday in muddo afar maalmood ah oo ay safaro diyaaradeed ku jirtay ay cuntooyin u badan baasto cunaysay, taasina keentay in isbeddel ku yimaaddo muuqaalka jidhkeeda oo ay yara naaxday.

“Afar maalmood ayaan safrayey oo diyaarad ka diyaarad aan u kala wareegayey, waxaanan cunayey baasto xidhiidh ah afarta maalmoodba.” Sidaas ayay u sheegtay warbaahinta Hola.

“Binu aadam ayaan ahay. Waxaan helay dareereyaal i saameeyey, waxaanan kasoo kabanayaa umushii hore.” Ayay raacisay.

Rodriguez oo ay isku cindan yihiin Ronaldo ayaanay wali si rasmi ah u qabsanin aroos, balse waxay u dhashay saddex carruur ah oo ay labo mataano yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*