Ceebtii Gilgishay Garoomada Iyo Dhacdadii Laga Seexan Waayey Xalay Ee Feedhyahankii Sida XOOLAHA U Dhaqmay

Xirfaddiisa oo dhan ayuu mugdi galay, ciyaartii uu ku jirayna si degdeg ah ayaa looga joojiyey iyadoo loo sheegay inuu guul-darraystay. Hadda garo’oo ciyaartuba ma dhamaanin, laakiin doqoniimadiisa ayaa sidan yeeshay.

Marka caqligu kaa tago ee aad sida xoolaha u dhaqanto, ciqaab gawraca xoolaha oo kale ah ayaa ku qabsanaysa, qof walbaana sida uu u dhaqmo ayuunbaa loola dhaqmaa.

Marka aad xirfadle tahayna kama sii daran oo sharci iyo dabar u gaar ah xayndaabka aad taagan tahay ayaa ku hoggaaminaya. Tallaabo kasta oo aad qaaddo iyo far kasta oo aad fidiso way tirsan tahay oo qiimaysan tahay, waxaana indho qudhaanjo ku eegaya guddi qiimayntaada oo kaliya qaabilsan oo horteeda soo fadhida.

Kash Ali inkasta oo uu magac Muslim leeyahay, haddana waa feedhyahan aaminsan diinta Kiristaanka gaar ahaan Orthodox, waana Ingiriis ku dhashay magaalada Birmingham, balse balaayo ayaa usoo hoyatay xalay.

Kash Ali iyo David Price ayaa waxay xalay isku haleeleen ciyaar feedh ah oo ka dhacday magaaladfa Liverpool, waxaana ay noqotay dagaal ku dhamaaday ceeb oo uu gursooruhu ku qasbanaaday inuu joojiyo wareeggii shanaad markii uu Kash Ali iska iloobay gacmahiisa ee uu ilkihiisa adeegsaday.

David Price ayaa si fiican afartii wareeg ee horeba u gacan sarreeyey, waxaana wareeggii shanaad uu mar kale muujiyey sida guushu ugu dhowdahay, balse Kash Ali ayaa si uu taas uga horjoogsado waxa uu isticmaalay QANIINYO, waxaana uu ka buuxsaday caloosha oo uu qaniinyo ku goostay isagoo ilkihiisu ku sameeyeen jidhka Price calaamad goobo ah.

Ka hor intii aanu qaniinyada samaynin, ficil kale oo mamnuuc ah ayuu ku kacay Ali waxaanu qoorta oo dhinaca dambe ee XANGULAHA ka feedhay Price, taas oo gebi ahaanba mamnuuc ah isla markaana dhibco lagaga jaray ka hor intii aanu ceebta weyn samaynin.

Price oo calooshiisa ay ka muuqdaan ilkaha qaniinyadii Ali

Markii uu Kash Ali oo ay da’diisu tahay 27 jir uu qaniinay Price wareeggii shanaad oo socda, garsooraha ayaa si buuxda u joojiyey ciyaarta, suunkiina gacanta ka geliyey ninka la qaniinay ee Price.

Hadda waxa socota falanqaynta fadeexadda uu Ali sameeyey, waxaana dadka qaarkood ay ku talinayaan in gebi ahaanba laga mamnuuca ciyaarta feedhka, balse waa hubaal inuu ganaax la kulmi doono, waxaanse la garanaynin muddada dibedda laga dhigi doono garoomada iyo lacagta lagu xukumi doono.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*