Kaddib Shaacintii Solskjaer, Waa Kuwee SHANTA Ciyaartoy Oo Mustaqalkooda Ka Walaacsani?

Manchester United ayaa kalsooni buuxda siisay Ole Gunnar Solskjaer oo qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah oo uu ku hoggaamin doono kooxda.

Ciyaartoyga kooxda ayaa Arbacadii lagu wargeliyey in Solskjaer loo magacaabayo tababaraha rasmiga ah, waxaanay intooda badan kusoo dhoweeyeen farxad, hase yeeshee shan ciyaartoy oo qaarkood xilligaas ku sugnaayeen xarunta tababarka ayaanay farxaddaasi ka muuqanin.

Shaki kuma jiro in haddaba ay sii garanayaan sida uu tababaruhu ula dhaqmi doono, waxaana tusaale ugu filan muddadii uu joogay sidii uu ula dhaqmay.

Inkasta oo laacibiintan qaarkood ay udub-dhexaad u ahaayeen qorshe ciyaareedkii tababaraha ee muddadii gaabnayd ee uu joogay Old Trafford, haddana sida ay warbaahinta gudaha UK ku warramayaan hadda waxa saaran culays kale iyo walaac hor leh oo ay ka qabaan mustaqbalkooda.

Ciyaartooyada haddaba la ogyahay inay iska tegi doonaan waxa ka mid ah Matteo Darmian, balse waxa jira shanta ciyaartoy ee kale Antonio Valencia, Alexis Sanchez, Phil Jones, Marcos Rojo iyo Nemanja Matic ayaa la sheegay in mustaqbalkoodu mugdi galay.

Laacibka ugu dambeea ee Matic ayaa la rumaysan yahay in tababare Solskjaer uu u sheegay in ciyaartiisu hoos u dhacday oo aan muddo dheer lagu sii xisaabtami karaynin, waxaana uu booskiisa u carbisanaa labada ciyaartoy ee Fred oo wacdaro ka dhigay ciyaartii PSG ay kaga daba-yimaaddeen iyo Scot McTominay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*