Gareth Bale Oo Lagu Arkay Bannaanka Old Trafford Xilli Lala Xidhiidhinayo Manchester United

Xiddiga Real Madrid ee Gareth Bale ayaa maanta lagu arkay bannaanka garoonka Manchester United ee Old Trafford.

Bale oo lala xidhiidhinayo inuu ka tegi doono Real Madrid dhamaadka xili ciyaareedkan ayaa waxa uu tegay magaalada Manchester ka hor inta aanu ku biirin xulka qarankiisa Wales oo ciyaar saaxiibtinimo kula ballansan waddanka Trinidad and Tobago.

Bale oo gool u dhaliyey Real Madrid Sabtidii, ayaa waxay jamaahiirta Manchester United ku arkeen isagoo jooga barxadda Theatre of Dreams ee garoonka Manchester United, waxaana ay dib u bilaabeen riyadoodii ahayd inay heli doonaan adeegga laacibkan orodka badan oo marar badan lala xidhiidhiyey.

Bale ayaa Arbacada u safan doona Wales ciyaarta saaxiibtinimo ee Trinidad and Tobago, afar maalmood kaddibna waxay iska hor iman doonaan waddanka Slovakia oo ay kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2020 isku haleeli doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, jamaahiirta Manchester United ayaa ku riyoonaya in wixii ay indhahoodu arkeen maanta ay u noqoto run oo uu kooxdooda kusoo biiro xagaaga.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*