Maxay Ahayd Runtii Uu Ole Gunnar Solskjaer U Sheegay Ciyaartoyga Manchester United Kaddib Guul-darradii Wolves?

Manchester United ayaa gashay marxaladeedii ugu liidatay tan iyo intii uu shaqada qabtay tababare Ole Gunnar Solskjaer badhtamaha bishii December kaddib markii uu shaqada ka beddelay Jose Mourinho.

Manchester United ayaa xalay guul-darro qadhaadh la kulantay, waxaana 2-1 kaga adkaatay kooxda yar ee Wolves oo ka reebtay tartanka Champions League, waxaana uga sii horreysay guul-darro kale oo usbuucii hore ay Arsenal ugu xambaarisay garoonka Emirates, kana cidhiidhsatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League.

Kubbad uu meel fog kka toogtay Raul Jimemez daqiiqaddii 70aad ayaa noqday ciqaabta Manchester United ka saaray tartanka FA Cup oo wareeggii semi-finalka loo gudbayo, gool kalena waxa Wolves u saxeexay Digo Jota lix daqiiqadood oo kaliya kaddib goolka hore, halka Manchester United na uu gool madi ah u dhaliyey Marcus Rashford.

Markii ay ciyaartu dhamaatay, laacibiinta Manchester United oo niyad-jabsan ayaa garoonka kasoo baxay, waxaanay isku shubeen qolka labbiska, halkaas oo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu isaguna ugu daray runta oo uu wejiga kaga dhuftay.

Solskjaer oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in ciyaartoygiisa uu si adag ugula hadlay qolka labbiska gudihiisa, isla markaana uu u sheegay wax uu ku tilmaamay ‘Runta’.

“Ciyaaryahannada runta ayaan u sheegay.” Ayuu yidhi Solskjaer.

“Dabcan, dib uma fadhiisan kartid oo in badan ma nasan kartid. Qof kasta wuu niyad-jabsan yahay ,laakiin waa inaanu hore u socono. Waanu ognahay inaanu si fiican u ciyaarnay kulankii Arsenal ee toddobaadkii hore oo aanu ka helnay natiijo aanaan u qalmayn, laakiin ciyaartan wixii aanu u qalanay ayaa nagu dhacay.” Ayuu raaciyey.

Dhinaca kale, Solskjaer waxa uu difaacay ciyaartoygiisa oo sagaal kulan oo xidhiidh ah oo ay marti ahaayeen soo badiyey, waxaana uu xusay in maalin kasta aan sida ugu fiican loo ciyaari karayn oo hoos u dhac iman karo kulamada qaarkood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*