Kaddib Guul-darradii Champions League, PSG Oo Joojisay Heshiisyo Cusub Oo Lasiinayey Saddex Ka Mid Ah Xiddigaheeda

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa hakisay wada-hadallo ay kula jirtay saddex ka mid ah ciyaartoygeeda oo qorshuhu ahaa in heshiiska loo cusboonaysiiyo, kaddib markii ay si xun uga soo hadheen tartanka Champions League oo ay Manchester United garoonkooda ugu dhiibtay 3-1.

Sida ay ku warramayso warbaahinta dalka France, PSG ayaa joojisay saddex ka mid ah udub-dhexaadka kooxda uu hoggaamiyo tababare Tuchel oo hore loola furay wadahadallo heshiis kordhin ah oo ay kooxda kusii joogayaan marka uu dhamaado qandaraaskooda hadda dhamaadka xili ciyaareedkan.

Saddexdan ciyaartoy oo kala ah Gianluigi Buffon, Thiago Silva iyo Dani Alves ayey kooxdu joojisay wada-hadalkoodii, lamana sheegin in dib loola bilaabi doono iyo in kale.

Dhinaca kale, xiddiga muhiimka ah ee Edinson Cavani ayuu warku sheegay inuu kusii dhawaanayo ka tegista garoonka Parc des Prince.

Wargeyska kasoo baxa waddanka Talyaaniga ee Rai Sports ayaa sheegay in Napoli oo uu hore ugu ciyaari jiray ay Cavani ka gudbisay dalab 40 milyan oo ay dib ugu soo ceshanayso.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka ciyaaryahannadan ayaa la si rasmi ah loo ogaan doonaa xagaaga, markaas oo ay ku negaan doonaan PSG ama si toos ah uga bixi doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*