WAAD URAYSAA! Alex Iwobi Oo Fadeexad Dhexda Ugu Jira Iyo Aflagaaddo Uu U Geystay Laacib Madow Ah Oo La Ogaaday

Laacibka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Alex Iwobi ayaa waajihi karaya baadhitaano ay UEFA ku samayso iyo ganaax uga dambeeya, kaddib markii uu aflagaaddo kula kacay mid ka mid ah ciyaaryahannada kooxda Rennes ee ka dhisan waddanka Faransiiska.

Arsenal ayaa xalay 3-0 ku garaacday Rennes oo ciyaartii hore 3-1 ugu soo dhiibtay Faransiiska, waxaana Gunners ay celcelis ahaan kusoo baxday 4-3.

Markii ay ciyaartu dhamaadka noqotay, Iwobi ayaa si badheedh ah u hor istaagay laacib ay isku midab yihiin oo ka tirsan kooxda Rennes, waxaana uu ku ganay hadallo muran dhexdooda ka dhaliyey.

Iwobi ayaa i gardarraysi ah ugu sheegay laacibkan inuu urayo iyadoo waliba uu sanka is qabtay xilligii uu la hadlayey.

Shaashadaha telefishannada ayuu kasoo muuqday Iwobi isagoo sanka is haya oo laacibka kalena la yaabban yahay waxa uu ku hadlay ciyaartoygani.

Si kastaba ha ahaatee, UEFA ayaa lagu wadaa inay dib u daawato muuqaalladan oo ay baadhitaan qoto dheer ku samayso ka hor inta aanay go’aan ka gaadhin arrinta.

Halkan ka daawo muuqaalkii dhacdadan:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*