YAAB! Iska Ilow Barca, Juve, City & United – Van Dijk Oo Magacaabay Koox Kale Oo Liverpool Dhibaato U Geysan Karta Haddii Ay Isku Aadaan

Liverpool ayaa kasoo dul tallaabsatay Bayern Munich si ay u xaqiijisato booskeeda siddeed-dhamaadka Champions League oo ay hore iskaga xaadiriyeen toddobada kooxood ee Barcelona, Juventus, Ajax, Tottenham, FC Porto, Manchester United iyo Manchester City.

Waxay hadda sugaysaa isku aadka Jimcaha iyo xafladda weyn ee lagu qaban doono magaalada Nyon ee waddanka Switzerland, halkaas oo ay u dirsanayso masuuliyiin uga qayb-gala, isla markaana dhegahooda ku maqla, indhahoodana ku arka kooxda ay la ciyaari doonaan.

Naadiyada waaweyn ee Barcelona, City, United iyo Juventus midkoodna maaha kooxaha ay Liverpool ka baqayso, waxaase ay kasii warwarsan tahay naadi aan saadaashaba safka hore kaga jirin.

27 jirka difaaca uga ciyaara Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa magacaabay kooxda kaliya ee ay kasii baqayaan, taas oo uu ku sameeyey qiimayn qaabkii ay usoo baxday awoodeeda oo ah mid kooxaha argagax gelinaysa.

Van Dijk waxa uu sheegay in run ahaan naadiga  kooxdiisu ka walaacsan yahay haddii ay isku dhacaana ay dhibaatoon doonaan inay tahay Ajax oo hore usoo karbaashtay Real Madrid, sidoo kalena waccdaro ku dhigtay Bayern Munich oo ay marxaladdii groupyada kasoo wada baxeen.

“Inaanu Ajax ku beegano waxay noqon doontaa ciyaar wanaagsan, laakiin way nagu adkaan doontaa sababtoo ah, Ajax waxay u ciyaaraysaa si cajiib ah kulamada Champions League.” Sidaas ayuu yidhi Van Djik oo la hadlayey telefishanka Veronica TV.

Dhinaca kale, Jamie Carragher ayaa ku tilmaamay Van Dijk tusaale muujinaya waxqabadka Liverpool iyo inay rajo fiican ka leeyihiin tartamada.

“Waxaan u maleeyey bandhiggii qaybtii labaad (Kulankii Bayern Munich) in bandhigga ninkaas (Van Dijk) uu xaqiijinayo in Liverpool ay muujinaysay ciyaarteedii ugu wanaagsanayd ee ay dibedda kusoo ciyaarto.” Sidaas ayuu Carragher u sheegay Viasport Fotbal.

“Marna maan dareemin in Bayern Munich ay gool dhalinayso. Waxa aan dareemay Van Dijk iyo Matip oo inkasta oo uu gool iska dhaliyey haddana aan qalad ku lahayn laakiin sameeyey bandhig fiican. Haddii aad sidaas u ciyaartaan, waxaan aaminsanahay in Liverpool ay kusii jiri doonto tartanka.”

AKHRISO SIDA AY ISKUGU DHICI KARAYAAN KOOXUHU

XOG: Barcelona vs Juventus, Liverpool vs Man City & Man United vs Ajax + City vs Barca – AFARTA Kulan Ee Lagu Riyoonayo Iyo Xusuusta Aan La illoobi Karin Ee Dhex Yaala

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*