James Milner Oo Shaaciyay Kooxaha Aanu Doonayn In Liverpool Lagu Aadiyo Siddeed Dhamaadka UEFA Champions league Iyo Kooxo Waa Wayn Oo Aanu Meesha Ka Saarin.

Kabtan ku xigeen kooxda Liverpool ee James Milner ayaa shaqo wayn ka qabtay kulankii lugtii labaad ee ay kooxdiisu xalay guusha kaga soo gaadhay Bayern Munich tartanka Champions league wuxuuna caalamada kantanimada la wareegay markii Jordan Henderson xili horeba ciyaarta dhaawac looga saaray.

James Milner oo sameeyay caawintiisii 10 aad ee Champions league tan iyo bilawgii xili ciyaareedkii hore isla markaana uu ku noqday xidiga waqtigan ugu soo gool caawinta badnaa ayaa ka hadlay kooxaha aanu doonayn in Liverpool lagu aadiyo Champions league.

James Milner ayaan meesha ka saarin kooxo waa wayn oo la filayay in ayna Liverpool jeclaysanayn wuxuuna sheegay in uu doonayo in Liverpool aan lagu aadin kooxaha ay Premier league ka wada dhisan yihiin taas oo la micno ah in aanu waxba ka qabin haddii Barcelona ama Juventus ay ku aadi karaan.

James Milner ayaa sheegay in ay rajo fiican ka qabaan in ay xataa soo dhaafi karaan kooxaha Premier league isaga oo xusuustay qaabkii ay xili ciyaareedkii hore ku soo dhaafeen Man City.

James Milner iyo Van Dijk oo BT Sport si wada jir ah ula hadlayay markii ay soo dhamaatay ciyaartii Bayern Munich ayaa ku dooday in ay kubbada cagta England wax u fiican tahay in afartii kooxood ee Premier league ay u soo wada baxeen siddee dhamaadka UCL.

James Milner oo ka hadlaya in afartii kooxood ee Premier league ku matalyay tartanka UEFA Champoins league ay soo wada gudbeen ayaa yidhi: “Waxay u fiican tahay kubbada cagta England, taasi waa waxa aad doonayso. Anigu ma filayo in aanu doonayno in uu midkaayaba kan kale la ciyaaro ee wareega xiga, laakiin waynu arki doonaa cida aanu helno”.

Laakiin James Milner ayaa xataa dhibaato wayn u arkin haddii kooxdiisa Liverpool lagu aadiyo kooxaha ay Premier league ka wada ciyaaraan wuxuuna yidhi: “Dareen fiican ayaanu ka haysanaa sanadkii hore ( kulamadii Man City), sidaa daraadeed, waxaan rajaynayaa in aanu ku sii socon karno taas oo aanu ku fogaan karno inta aanu awoodno”.

Dhinaca kale James Milner ayaa ka hadlay qaabkii ay kooxdiisu ula tacaashay dhaawicii xiliga hore soo gaadhay kabtankooda Henderson wuxuuna yidhi: “Kooxda aanu helnay ayay wax badan ka sheegaysaa, in aad kabtanka xili sidaas u horaysa aad lumisaa waxay ahayd wax adag, laakiin si fiican ayaanu ula tacaalnay. Fabinho ayaa soo galay si fiican ayuuna u sheeqeeyay, kadib gool ayaanu dhalinay”.

Ugu danbayn James Milner oo ka hadlaya natiijadii kulankii Bayern Munich iyo saamayntii Virgil Van Dijk oo barbar tagnaa ayaa yidhi: “Natiijo fiican ayay ahayd. Waxayagii ugu fiicnaa kumaanu ciyaarin, laakiin waa si fiican u difaacshada iyo heli taanka saddexda dhibcood (soo bixitaanka). Ninkani (Van Dijk) gool kale ayuu helay, daacad ahaantii dhererkiisa waxaa waajib ahayd in uu goolal ka badan ku helo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*