Zinadine Zidane Oo Aan Wax Wakhti Ah Iska Lumin, Kabtan Sergio Ramos Oo Uu Kulan Deg Dega Ugu Yeedhay & Halkii Wax Ee Uu Ka Codsaday Oo La Ogaaday.

Tababaraha sida rasmiga ah ugu soo laabtay shaqada kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaan wax wakhti ah iska lumin kaddib magacaabistiisa waxaana uu si deg deg ah ula kulmay kabtanka kooxda ee Sergio Ramos kaas oo uu codsi gaadhsiiyay.

Inkastoo shaqadiisa tababarenimo ee Real ay si rasmi ah u bilaabmi doonto maanta oo Arbaca ah marka uu tababarka ciyaartoyda ku siiyo xerada Valdebebas balse waxa uu doorbiday inuu xilli horeba shaqada gudo galo.

Waxa ugu horreeya ee uu sameeyay Zizou kaddib markii saxaafada loo soo bandhigay ayaa ah inuu wacay Ramos si uu uga dhagaysto xaalada kooxda iyo wixii ka dambeeyay tan iyo bixitaankiisii 10 bilood kahor.

Wargeyska MARCA oo ah midka warkan shaaciyay ayaa sheegaya in Zidane uu doonayay inuu maqlo erayada kabtanka oo ay xilli horeba kulan soo wada qaateen madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez.

Zidane ayaa daafaca ree Spain ka codsaday inuu sameeyo sidii uu horeba u sameeyay markii koowaad ee loo magacaabay kooxda isla markaana uu guubaabiyo xiddigaha kale ee kooxda.

Dhinaca kale wariyaha Paco Gonzalez oo ka hawlgala El Partidazo de COPE ayaa sheegay in Zidane kooxda lagu soo celiyay isla subaxii xigay ee habeenkii ay ka hadheen Champions League balse dib loogu dhigay shaacintiisa ilaa fiidnimadii Isniina.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*