SAADAAL: Bayern Munich Mise Liverpool – Michael Owen Oo Saadaaliyey Kooxda Badin Doonta

Liverpool ayaa caawa marti u noqonaysa Bayern Munich kaddib markii ay ciyaartoodii hore kusoo kala baxeen barbarro goolal la’aan ah.

Saadaal kala duwan ayaa laga bixiyey ciyaartan, waxaana inta badan ay libinta siinayaan naadiga garoonkiisa lagu ciyaarayo ee Bayern Munich, laakiin wax walba way dhici karaan mar haddii lugtii hore goolal la’aan ahayd.

Bayern Munich oo kaashanaysa jamaahiirteeda iyo ciiddeeda ayaa waxay wax walba u samayn doontaa sidii ay u badbaadin lahayd sharafta Jarmalka maadaama kooxihii klae oo dhan hadheen, hase yeeshee Liverpool ayaa iyaduna haysata fursad ah in goolka ay dhalisaa uu dhabarka ka  jabinayo Bayern Munich.

Tusaale ahaan, haddii Liverpool ay gool la hor marto, Bayern Munich waxa laga rabaa inay la timaaddo laba gool si ay wareegga xiga ugu gudbi karto, haddii kooxda Klopp ay laba gool  keenaanna, waxa Bayern Munich laga doonayaa inay saddex gool la timaaddo.

Halyeygii Liverpool ee Michael Owen ayaa saadaaal ka bixiyey ciyaartan, waxaana isaga oo la hadlayey website-ka Liverpool Echo uu yidhi: “Gool la’aantu maaha natiijo xun sida aan aaminsanay. Dabcan Liverpool rikoodheyaal ayay tagi doontaa haddii ay ciyaartu ku dhamaato 0-0, laakiin barbarro kasta oo goolal ah way kusoo baxaysaa.”

Michael Owen wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Liverpool ay guusha heli doonto, isla markaana ay ka adkaan doonto Bayern Munich oo ay usoo bixi doonto wareegga xiga, waxaanu yidhi: “Sharciga goolka dibedda ayaa Liverpool gacan siinaya hadda, kalsooni ayaanan qabaa.”

Inkasta oo  aanu si buuxda saadaashiisa ugu sheegin rikoodhka goolasha ee ay ku kala  bixi doonaan, haddana Michael Owen waxa uu xusay in Liverpool adkaan doonto.

Haddaba akhriste, adiguna saadaali oo halkan hoose ku dhaaf farriintaada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*