Muxuu Diego Simeone Ka Yidhi Guul-darradii Juventus U Xambaarisay Iyo Saddexleydii Ronaldo?

Tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid, Diego Simeone ayaaa ka hadlay guul-darradii xalay ay kala kulmeen Juventus oo ka reebtay tartanka Champions League.

Atletico oo lugtii hore kusoo badisay 2-0 ayaa magaalada Turin loogu dhiibay 3-0, waxaanay sidaas kaga hadhay tartanka Champions League.

Saddexda gool ee Atletico dilay waxa dhaliyey Cristiano Ronaldo oo kusoo laabtay dhalinta goolasha tartanka Champions League kaddib abaar ka haysatay oo uu wareeggii groupyada hal gool oo kaliya ka haystay.

Tababare Diego Simeone oo si waalli ah ugu dabbaal-degay guushii kooxdiisa ee lugtii hore ayaa waxa uu markii ay dhamaatay ciyaartii xalay uu la hadlay warbaahinta, waxaana uu tilmaamay inay  ka dhaliyeen laba gool oo la mid ah kuwii ay kooxdiisu dhalisay lugtii hore, laakiin uu dilay rikoodhihii u dambeeyey.

“Waxay naga dhaliyeen laba gool oo aad iskugu ekaa, waxaanay shaqadooda u qabsadeen si la mid ah wixii aanu garoonkayaga ku samaynay. Waanu dhibaatoonay, iyaguna si sax ah ayay ugu gudbeen wareegga siddeed-dhamaadka.” Sidaas ayuu yidhi Diego Simeone.

Tababare Simeone waxa uu ku dooday in aanay ahayn kulankii ugu xumaa ee kooxdiisa soo gaadha, wuxuuna si cad u qirtay in laga wanaagsanaa.

“Way naga fiicnaayeen, waana inaanu u qino. Anagu waxaanu isku daynay inaanu ciyaartayadii ciyaarno, qaybtii horena si fiican ayaanu u ciyaarnay laakiin qaybtii dambe maanaan samaynin wax aanu kusoo baxno.

“Haddii aan si daacad ah u hadlo, waan degganahay, laacibiintuna si fiican ayay u ciyaareen usbuucan.

“Lugtii hore si wacan ayaanu u ciyaaarnay, waananu dhaawacnay, laakiin caawa (xalay) wax walba dhinaca kale ayay tageen, waananu awoodi kari waynay inaanu bandhiggooda joojino.”

Intaa kaddib tababare Simeone waxa uu qiimeeyey meelaha Juventus u xooggan tahay, waxaanu yidhi: “Halka ay Juventus ugu xooggan tahay waa awoodda ay u leedahay inay cadaadis ku saarto.”

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*