Markii Hore Khaladkii Dilay Liverpool, Haddana Dacwad & Maxkamad – Loris Karius Oo Mashaqo Kale Madaxa La Galay

Goolhayaha amaahda kaga maqan Liverpool ee Loris Karius ayaa mashaqo hor leh madaxa la galay, kaddib markii uu go’aansaday inay maxkamad ku kala  baxaan kooxda uu amaahda kula joogo ee Besiktas.

Goolhaye Karius ayaa toddobaadkan qabsaday warbaahinta kaddib markii tababaraha kooxda Besiktas uu bannaanka keenay niyad-jab ay ka qaadeen iyo fashil uu ku dambeeyey saxeexii amaahda ahaa ee ay Liverpool kaga daynsadeen Karius.

Tababaraha ayaa ku eedeeyey Karius inuu sameeyey khaladaad dilaa ah oo sabab u noqday in Besiktas ay lumiso dhibco badan, hase yeeshee, Loris ayaa isaguna markiisa qaadaya tallaabo quus ah oo laga yaabo inay soo afjarto rajadiisii ahayd inuu sii joogo kooxda reer Turkey oo uu boos joogto ah ka helay.

Loris Karius ayaa la sheegay inuu go’aan ku gaadhay inuu maxkamad la tiigsado Besiktas, sidoo kalena uu cabasho gaadhsiiyo xidhiidhka kubadda cagta ee FIFA kaddib markii ay kooxdaasi siin weyday musharooyinkii uu ku lahaa.

Karius ayaan wax mushahar ah ka helin Besiktas muddo afar bilood ah, waxaana uu ka waayey jawaab waafi ah oo loogu sheegayo sababta, taas oo ka baxsan heshiiskii ay wada gaadheen.

25  jirkan ayaa dacwadda uu u gudbiyey maxkamadda waxa uu ku lifaaqay nuqul ka mid ah heshiiskii amaahda ahaa ee uu u saxeexay Besiktas,  kaas oo dhigayey in mushaharooyinkiisa ay kooxda reer Turkey bixiso muddo laba sannadood ah oo uu qalinka ugu duugay.

Warku ma sheegin in kooxdu ay ciqaab uga dhigayso mushahar la’aanta iyo in kale, hase yeeshee tababare Senol Gunes ayaa toddobaadkan si cad warbaahinta horteeda uga dhalleeceeyey Karius, waxaana uu tilmaamay in halkii ay ka filayeen inuu ahaado goolhaye caawiya kooxda ay wax walba dhinaca kale isku rogeen.

Goolhaye Karius ayaa markii ay taariikhdu ahayd February 20, waxa uu warqad cabasho ah gaadhsiiyey FIFA, waxaana xidhiidhka kubadda cagta adduunku uu ka dalbaday Besiktas inay toban maalmood kaga soo jawaabaan haddii kale ay waajihi doonaan tallaabo sharci ah.

Warku wuxuu sheegay in kooxdu aanay u hoggaansamin amarka FIFA oo aanay weli wax jawaab ah ka bixinin, waxaana la filayaa inay ku mutaysato tallaabo sharci oo ciqaab ah, taas oo noqon karta laba arrimood; In dhibco laga jaro iyo in laga ganaaxo tartamada Yurub sida Champions League iyo  Europa League.

Senol Gunes ma sheegin inay baabi’inayaan heshiiskii amaahda ahaa ee ay la galeen Karius iyo Liverpool, hase yeeshee xurgufta cusub ee hadda ka dhax-dillaacday iyo mushahar la’aanta ayaa sii xumayn karta xaaladda.

Karius oo khaladaad uu sameeyey ay sabab u noqdeen in finalkii Champions League ay Real Madrid kaga adkaato 3-1, ayaa waxa uu mar kale dhaxda kaga jiraa qalalaase mustaqbalkiisa ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*