LA OGAADAY: Mushaharka Waalida Ah Ee Real Madrid Siinayso Zinedine Zidane Iyo Tababareyaasha Mourinho, Pochettino, Klopp Iyo Allegri Oo Uu Ka Sarreeyo

Dib usoo celinta Zinedine Zidane ee Real Madrid, waxay taageereyaasha kooxda siisay farxad iyo rayn-rayn iyagoo mar kale ku riyooday inay heli doonaan guulihii taariikhiga ahaa ee laba sannadood iyo badh uu xilkan hayey uu gaadhsiiyey.

Waxa uu u qaaday saddex Champions League oo xidhiidh ah kaddibna shaqada ayuu ka tegay, hase yeeshee toban bilood kaddib ayaa dib loo soo qanciyey oo uu qabtay isla shaqadii uu iska casilay dhamaadka bishii May ee sannadkii hore.

Markii uu shaqadan ka tegayey, Zinedine Zidane waxa uu mushahar uga qaadanayey Real Madrid lacag dhan 7.5 Milyan Euro, taas oo soo martay jaran-jarooyin badan.

Mushaharkiisii ugu horreeyey ee sannadkii 2016 uu ku bilaabay shaqada waxa uu ahaa 2.5 milyan Euro, laakiin waxa loo kordhiyey markii ay ku guuleysteen Champions League oo laga dhigay 5.5 milyan Euro, xili ciyaareedkii xigay markii ay qaadeen koobkii labaad ee Champions League ah, waxa mushaharkiisa laga dhigay 7.5 milyan Euro oo ahayd halkii uu shaqada kaga tegay.

Hadda oo uu dib usoo laabtay, waxa mushaharka uu ka qaadanayo Real Madrid uu saddex jeer ka badan yahay midkiisii hore.

Sida uu qoray wargeyska El Confidencial ee kasoo baxa waddanka Spain, Zinedine Zidane ayaa qalinka ku duugay heshiis uu sannadkii ku qaadanayo mushahar dhan 12 milyan oo Euro iyo gunnooyin kale oo ugu dambayn dakhliga sannadkii kasoo gelaya Real Madrid ka dhigaya 24 milyan oo Euro.

Waxa uu Zidane la sinmi doonaa Diego Simeone oo hoggaaminaya tababareyaasha mushaharka ugu badan ka qaata kooxaha, kaas oo sannadkii ay Atletico Madrid siiso lacag dhan 24 milyan oo Euro.

Zidane iyo Simeone oo kaliya ayaa liiska mushaharooyinka iyo gunnada ee tababareyaasha hoggaamin doona, waxaanay ka sarreeyaan tababarahaal badan oo caan ah.

Jose Mourinho ayaa Manchester United ka qaadan jiray 20 milyan oo Euro oo aanay cashuurtu la soconin sannadkii, Pochettino oo Tottenham ah ayaa isaguna hela 10 Milyan, Jurgen Klopp wuxuu qaataa 8.5 milyan Euro, halka Massimiliano Allegri ay Juventus siiso 8  milyan oo Euro sannadkii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*