Cusaam Shuwali Mise Rauf Khalif? Telefishanka beIN Sports Oo Soo Saaray Wariyeyaasha Tabin Doona Kulamada Caawa Ee Champions League

Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey magacyada wariyeyaasha qaban doona kulamada Champions League ee caawa, kuwaas oo noqon doona ciyaaraha ugu dambeeya ee soo afjari doona wareegga 16-ka.

Bayern Munich ayaa garoonkeeda Allianz Arena ku qaabilaysa Liverpool oo ay lugtii hore kusoo kala baxeen goolal la’aan, waxaana midkood ay tegi doontaa wareegga xiga ee siddeed-dhamaadka, halka kulanka labaadna ay Barcelona ku qaabilayso Lyon oo ciyaartii hore aanay waxba iska dhalinin.

Ciyaarahan  marka ay dhamaadaan, waxa siddeedda kooxood ee soo baxaa ay isku diyaarin doonaan inay wakiillo u dirsadaan magaalada Nyon ee ay ka qabsoomi doonto xafladda isku-aadka wareegyada quarter-finalka iyo Semi-finalka, taas oo ay ugu xigi doonto in koox kastaa ay sii deristo naadiga ay la ciyaarayso, iyadoo sidoo kalena fiirinaysa haddii ay soo gudubto imtixaanka kale ee sugaya ee ay tahay inay sii marto ka hor inta aanay tegin ciyaarta ugu dambaysa ee finalka.

Haddaba, telefishanka beIN Sports, qaybtiisa luuqadda Carabiga ayaa shaaciyey wariyeyaasha qaban doona kulamada caawa ee labada ah, waxaana mid walba uu u qoondeeyey in laga daawado min hal Channel iyo laba wariye.

Wariyaha codka dahabiga ah ee Cusaam Shuwali ayaa dib ugu soo laabanaya kulamada caawa markii uu kuwii xalay kaga mashquulay ciyaar ka tirsanayd tartanka naadiyada Asia, laakiin Raouf Khalif oo isaguna aan joogin xalay ayaa mar kale liiska aan kusoo bixin.

Ciyaarta xiisaha leh ee Bayern Munich vs Liverpool ayaa telefishanku ku qoray in laga daawado beIN Sports 1, waxaana wada tabin doona laba wariye oo ay daawadeyaashu fursad u haystaan in midba ka uu doono codkiisa maqlo, halka ciyaarta kale ee Barcelona vs Lyon laga baahin doono beIN Sports 2 taas oo sidoo kale ay laba wariye wada hayn doonaan.

Kulanka Bayern Munich vs Liverpool ayaa uu telefishanku ku qoray labada wariye ee Cusaam Shuwali iyo Khaliil Balushi, waxaanay taasi daawadeyaasha siinaysaa fursad ay ku kala doortaan hadba wariyaha ay jecel yihiin codkiisa, iyagoo awood u leh inay iska beddelaan luuqadda haddii ay haystaan Kaadh beIN Sports ah.

Ciyaarta labaad ee Barcelona vs Lyon ayaa uu telefishanku ku qoray labada wariye ee Xafiid Daraji iyo Cali Maxamed Cali.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*