XOG: Saddexdan Sababood Ayaa Barcelona Ku Qasbaya In Ay Ka Sii Walwalaan Kooxda Lyon Ee Kulanka Champions League.

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawayn doonta kooxda horyaalka France ee Lyon kulanka lugta labaad ee UEFA Champions League waxaana jira waxyaabo gaar ah oo kooxda Valverde ku qasbaya in ay ka walwalaan kooxda martida u noqon doonta.

Barcelona waxay soo baratay cashar lama ilaawaan ah oo ah guuldaradii lama filaanka ahayd ee xili ciyaareedkii hore ay uga hadheen UEFA Champions league kadib markii ay iska lumiyeen guushii waynayd ee ay Roma afarta gool ugaga dhaliyeen Camp Nou iyaga oo kulankii lugtii labaad dhayalsi ay sameeyeen iyo wacdarihii Roma tartanka looga cidhibtiray.

Laakiin xili ciyaareedkan kooxda Valverde ayaa wax walba sidiisa u qaadanaysa mana jiri doonto fursad kale oo ay Lyon ku dhayalsan doonaan kadib wixii ay ku soo arkeen kulankii lugtii hore ee ay barbaraha gool la’aanta ah la soo laabteen.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa saddex sababood oo ay Barcelona uga walwalayso kooxda Lyon.

1- In Barcelona Ayna Wax Goolal Marti Ah Ku Soo Dhalin Kulankii Lugtii Hore Ee Olympique Lyon.

Kooxda Barcelona ayaa kulankii lugtii hore ee UEFA Champions league ee ay martida u soo noqdeen Olympique Lyon waxay soo awoodi waayeen in ay hal gool oo marti ah soo dhaliyaan, waxayna haysteen boqolkiiba 64% ee boosishanka ciyarta halka ay sidoo kale tuureen 20 darbo oo ay goolka Lyon ku ganeen.

Laakiin Olympique Lyon waxay muujisay adkaysi badan iyaga oo dhinacooda raadiyay fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kareen, waxayna taasi keentay in Valverde iyo kooxdiisa Barca ay soo laabteen iyaga oo barbaro gool la’aan ah la soo galay Lyon.

Inkasta oo ayna natiijo xun ahayn babraro gool la’aan marti ahi, haddana kooxda Olympique Lyon waxay u ahayd in ay guulaysatay oo kale maadaama oo ay Camp Nou ugu soo bixi karaan barbaro kasta oo gool la’aan ka badan halka Barcelona ay ku qasban tahay in ay guulaysato.

Olympique Lyon waxay ku soo bixi kartaa barbaro 1-1,2-2 ama ka badan laakiin babraro kasta oo goolal layska dhaliyo waxaa ku hadhaysa Barcelona waana arinta walwalka badan ku keenaysa Blaugrana.

Inkasta oo ay Barcelona tahay kooxda ugu cad cad mar haddiiba ay Camp Nou joogto, haddana kooxda Olympique Lyon waxay awood u leedahay in ay xaalada ku xumayn karto Barca waxaana arintan sabab u sii ah in ayna Blaugrana wax goolal marti ah soo dhalin kulankii lugtii hore.

Riix 2,3 si aad qodobada kale u sii akhrisato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*