Miyaanu Riyoonaynaa – Jamaahiirta Arsenal Oo Riyo Ku Tilmaamay Wixii Ay Shalay Ku Arkeen Kooxdooda Kulankii Manchester United

Isla markii uu tababaraha Arsenal, Unai Emery ku dhawaaqay shaxdii uu kala hor tegay Manchester United, waxa baraha bulshada qabsaday jamaahiirta Arsenal oo farxad iyo rayn-rayn aan beryahan dambe looga baran kusoo dhaweeyey.

Tababare Emery ayaa shaxdiisa koowaad kusoo bilaabay Mesut Ozil, Aaron Ramsey, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette, waana shaxdii ugu weerarka badnayd, hal abuurkuna ka buuxay ee muddooyinkan dambe laga arko Arsenal, iyadoo aanay marnaba fursad isku heli jirin afartan ciyaartoy.

Shaxda noocan ah oo ka duwan gebi ahaanba middii difaaca ku dhisnayd ee jamaahiirta Arsenal madax xanuunka ka qaadeen, isla markaana ka hor ciyaar kasta ay falcelin waalli ah ku jarjari jireen tababarahooda, iyagoo su’aalaya sababta uu Ozil iyo Ramsey khadkiisa dhexe ugu soo bilaabi la’yahay, weerarkana uu ugu mataanayn la’yahay labadan halyey, ayaa waxay u horseeday guul cajiib ah oo ay ugu dhex damaashaadeen garoonkooda Emirates.

Jamaahiirta Arsenal ayaa markii ay arkeen shaxda, waxay baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka kusoo bandhigeen falcelintooda, iyagoo qaarkood moodaya sidii ay arkeen riyo oo aanay runba ahayn shaxdan ay muddada raadinayeen.

Mid ka mid jamaahiirta Arsenal oo soo xiganaya shaxda ay garoonka kusoo galayso Gunners, ayaa soo qoray: “Ozil iyo Ramsey, Miyaan riyoonayaa?”

Taageere kale ayaa isaguna soo qoray: “Ozil, Laca iyo Auba dhamaantood waa safka koowaad”

Mid kale oo yaabban ayaa isaguna soo qoray: “Auba, Laca, Ozil Iyo Ramsey ayaa hal garoon ku wada jira.”

Si kastaba ha ahaatee, falcelinta jamaahiirta ayaa muujinaysa sida ay ula dhacsanaayeen shaxday kula ciyaareen Manchester United oo ugu dambayna ay guul ka heleen.

1 Comment

  1. Waan taageeraya
    Shaxda arsenal ku soo bandhigtay garoonkeeda
    Emeraatis ee ciyaarta haafka hore guul ayaan filayaa caawa

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*