HORDHAC: Real Valladolid-Real Madrid -Santiago Solari Oo Kulankiisii Ugu Danbeeyay Maamuli Kara Madrid, Dhaawacyada & Ganaaxyada Iyo Dhibaatada Los Blancos Oo Sii Xumaan Karta.

Real Madrid ayaa booqanaysa kooxda Real Valladolid kulanka ka tirsan horyaalka La Liga waxayna Los Blancos kulankan iskeenaysaa iyada oo aan wax guul ah soo arag dhamaan tartamada oo dhan tan iyo wixii ka danbeeyay guushii kulankii Levante.

Real Madrid ayaa la soo kulantay guuldarooyin xidhiidh ah waxaana ugu sii xanaan badnaa saddexdii guuldarooyin ee ugu danbeeyay ee ay kala kulantay kooxaha Barcelona iyo Ajax kuwaas oo ahaa saddexda kulan ee ay Real Madrid kaga quusatay saddexdii koob ee ay ku tartamayeen.

Santiago Solari oo la filayay in isla maalintii ka danbaysay guuldaradii Ajax shaqada laga caydhinayo ayaa la filayaa in kulanka Real Valladolid uu noqon doono kulankiisii ugu danbeeyay ee waayihiisa tababaranimo ee Madrid iyada oo Florentino Perez uu haddaba go’aankiisa gaadhay.

Real Madrid ayaa kulankan ciyaari doonta iyaga oo 15 dhibcood ka hooseeya kooxda ay hogaanka La Liga haysa ee Barcelona waxayna ku qasban yihiin in ay kulankan guul soo gaadhaan si ayna musiibo kale u sii dhex galin isla markaana aanu shaki u galin in ay afarta sare ku dhamaysan doonaan.

Maxaa ka Cusub Xaalada Dhaawacyadii Real Madrid?

Real Madrid waxaa musiibooyinkii guuldarada u raacay dhaawacyadii soo gaadhay Lucas Vazquez, Vinicius Junior iyo Dani Carvajal waxayna dhamaantood seegayaan kulanka Valladolid. Warbixino caafimaad oo ay Real Madrid ka soo saartay Vinicius Jr, Vazguez iyo Carvajal ayaa lagu cadeeyay in ay muddo maqnaan doonaan.

Marco Llorente ayaa seegay tababarkii kooxdiisa waxaana la filayaa in uu sii maqnaan doono laakiin sidoo kale Gareth Bale iyo Mariano Diaz ayaa seegay tababarkii sabtidii waxaana suurtogal ah in ay seegi karaan kulanka Valladolid.

Santiago Solari ayaa ku qasbaan doona in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo iyada oo waliba Toni Kroos oo aad u liitay kulamadii ugu danbeeyay uu kaydka dhigi karo halka Dani Ceballos iyo Brahim Diaz ay fursad heli karaan si la mid ah Marco Asensio.

Kooxda martida loo yahay ee Real Valladolid waxaa ka maqnaan doona Toni Villa iyo Luismi.

Shaxda Macquulka Ah Ee Real Valladolid Vs Real Madrid:

Real Madrid XI: Courtois; Odriozola, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Ceballos; Brahim, Asensio, Benzema

Real Valladolid XI: Masip; Antoñito, Kiko, Calero, Nacho; Keko, Anuar, Alcaraz, Hervias; Ünal, Guardiola

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*