HORDHAC: Barcelona vs Rayo Vallecano – Dhibaatii Blaugrana Hore Uga Soo Gaadhay Vallecano, Shaxa Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Labada Kooxood.

Barcelona ayaa caawa Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda Rayo Vallecano oo ay kulamadii ugu danbeeyay dhibaato wayni ka soo gaadhay. Kooxda Valverde ayaa dib ugu soo laabanaysa horyaalka La Liga kadib markii ay soo nasteen tan iyo wixii ka danbeeyay kulankii El Clasico-da ee Bernabeu inkasta oo ciyaartoyda da’yarta ah iyo dhawr xidig oo kooxda kowaad ahi ay ciyaareen kulankii Catalan Super Cup ee ay kooxda FC Girona guusha 1-0 ka ahaa gaadhay.

Barcelona ayaa sidoo kale ka fikraysa kulanka arbcada ee ay isla Camp Nou ku soo dhawayn doonto kooxda Lyon ee lugta labaad ee UEFA Champions league, laakiin waxaa la filayaa in Valverde uu marka hore diirada saari doono kulanka Rayo Vallecano si ayna kooxdiisu wax qalad ah uga samayn dhibcaha ay hogaanka ku hayaan.

Barcelona ayaa ilaa hadda 7 dhibcood oo saafi ah ku haysa hogaanka La Liga waxaana caawa la ciyaarayaa kulamada 27 aad taas oo muujinaysa in ay talaabo wayn u qaadi karaan difaacashada koobka horyaalka Spain ee La liga.

Kooxda martida ah ee Rayo Vallecano ayaa dhibaato wayn dhexda kaga jirta waxayna ka dagaalamaysaa in ay heerka labaad u dhacaan. Vallecano ayaa ku jirta kaalinta 19 aad ee horyaalka La Liga waana sababta ay dagaal naf huris ah kagala soo muuqan doonaan Camp Nou.

Xili ciyaareedkii hore kooxda Rayo Vallecano ayaa guuldaro wayn soo baday Barcelona, laakiin kulankii xiil ciyaareedkan qaybtiisii hore waxay Rayo Vallecano hogaanka ciyaarta ku qabtay 2-1 markii ay socotay saddexdii daqiiqo ee ugu horeeyay laakiin Bluagrana ayaa si layaableh u soo kabsatay iyada oo laba daqiiqo iyo badh kaliya ee dhamaadkii ciyaarta laba gool ku keensatay.

Wuxuuna Valvere doonayaa in ayna kooxdiisu ku qaldamin kaalinta liidata ee ay Rayo Vallecano ku jirto iyada oo la filayo in uu soo xulan doono shax xoogan oo ay inta badan ciyaartoyda muhiimka ahi ku jiri doonaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Barcelona waxaa kulankan ganaax kaga maqnaan doona Clément Lenglet oo bandhigisii waayihiisa ciyaareed ugu fiicnaa ka soo sameeyay kulankii Bernabeu ee Real Madrid taas oo la micno ah in Samuel Umtiti uu wadnaha difaaca Barca kula soo bilaaban doono Gerard Pique. Laakiin sidoo kale  Jeison Murillo ayaa haysta fursad uu difaaca dhexe ugu soo bilaaban karo.

Waxa kale oo Barcelona dhaawac ama go’aan farsamo kaga maqnaan doona xidigaha kala ah Thomas Vermaelen, Rafinha, Kevin-Prince Boateng iyo da’yarka Jean-Clair Todibo.

Dhinaca kooxda Rayo Vallecano waxa uu shaki ku jiraa ama maqnaan kara labada xidig ee kala ah Gorka Elustondo iyo Abdoulaye Ba.

Xogta Kulanka:

Tartanka: horyaalka La Liga kulankiisa 27 aad

Kulanka: Barcelona vs Rayo Vallecano

Garoonka: Camp Nou

Waqtiga: 8:30 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha:  Mario Melero López

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Semedo, Piqué, Samuel Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Messi, Suárez, Dembélé

Rayo (5-4-1): Dimitrievski; Advíncula, Amat, Gálvez, Velázquez, Moreno; Embarba, Comesana, Suárez, Trejo; De Tomás

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*