Saadaasha Khabiirka Mark Lawrenson Ee Kulamada 30aad Ee Horyaalka Premier League – Muxuu Ka Yidhi Arsenal vs Manchester United?

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo kusii dhawaanaya gebogabo ayaa kooxuhu ay isku haleeli doonaan kulamadii 30aad, waxaana mar kale uu dagaalku ka curan doonaa laba aag oo ah furinta hore ee hoggaaminta oo ay ku hirdami doonaan Manchester City oo toddobaadkii hore si buuxda u qabatay hoggaanka iyo Liverpool oo hal dhibic ka dambaysa. Furinta labaad ee dagaalku ka dhici doona ayaa ah kaalmaha saddexaad iyo afraad oo ahayd halka ay kooxuhu inta badan kusoo dagaallamayeen usbuucyaddii tegay, waxaana mar kale is-diyaarinaya Arsenal, Manchester United, Tottenham iyo Chelsea oo labadaas boos ku tartamaya.

Manchester United oo kaalinta afraad ku jirta, isla markaana hal dhibic ka dambaysa Tottenham oo saddexaad fadhida ayaa Axadda u tegi doonta Arsenal, waxaana midkooda badiya uu rajo qabi doonaa inuu kaalinta saddexaad yimaaddo haddii Tottenham ay mar kale la kulanto guul-darro amaba ay barbar-dhac gasho.

Kooxda hoggaanka haysa ee Manchester City ayaa imtixaan sahlan mari doonta inkasta oo dhaawacyada Fernandinho iyo De Bruyne ay wiiqi karaan awooddeeda, waxaanay marti gelin doontaa Watford, halka Liverpool ay soo dhaweyn doonta naadiga kooxaha waaweyn karbaasha ee Burnley.

Chelsea oo hal kulan baaqi u yahay, ayaa waxay Axadda qaabbili doontaa Wolves, sidoo kalena Tottenham ayaa marti u noqon doonta Southampton.

Haddaba khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson ayaa sidii caadada ahayd saadaaliyey natiijada kulamadan, waxaana uu guulo ugu bushaareeyey saddexda kooxood ee ugu dhibcaha sarreeya ee Man City, Liverpool iyo Tottenham, hase yeeshee waxa uu natiijo aan farxad galinaynin u sheegay jamaahiirta Manchester United iyo Arsenal oo uu barbar-dhac u tilmaamay.

Chelsea oo qaabili doonta Wolves kaddib guushii weynayd ee ay kasoo gaadhay lugtii hore ee Europa League, ayaa uu khabiirka ciyaaraha ee Mark Lawrenson u saadaaliyey guul.

Saadaasha Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Mark Lawrenson oo dhamaystiran:

Kulamada Sabtida

Crystal Palace 1-1 Brighton

Cardiff 0-2 West Ham

Huddersfield 1-1 Bournemouth

Leicester 2-0 Fulham

Newcastle 1-2 Everton

Southampton 1-2 Tottenham

Man City 3-0 Watford

Kulamada Axadda

Liverpool 2-0 Burnley

Chelsea 2-0 Wolves

Arsenal 1-1 Man United

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*