Zinedine Zidane Mise Jose Mourinho? – Florentino Perez Oo Doortay Midka Uu La Doonayo Tababarenimada Real Madrid

Real Madrid ayaa la filayaa inuu isbeddel weyn ku dhaco kaddib fadeexaddii ay gashay tobankii maalmood ee ugu dambeeyey oo ay kasoo hadhay tartama Champions League iyo Copa del Rey, sidoo kalena ay rajo la’aan ka noqotay tartanka LaLiga oo ay 12 dhibcood ka dambayso Barcelona oo hoggaanka haysa.

Madaxweynaha Real Madrid ayaa shir la qaatay tababaraha hadda ee Santiago Solari, waxaana inkasta oo qodobbadii ay ka wada hadleen aanay dibedda usoo bixin haddana ay wararku sheegayaan inuu ku wargeliyey in kooxdu u baahan tahay tababare aan isaga ahayn oo ka saari kara dhibaatada ay gashay.

Madaxweyne Perez ayaa la sheegay inuu kala dooranayo labada tababare ee Jose Mourinho iyo Zinedine Zidane oo ay u badan tahay in midkood uu noqon doono tababaraha cusub ee Los Blancos, hase yeeshee labada macallinba ma doonayaan in xilligan oo uu gebogebo ku dhow yahay xilli ciyaareedku ay qabtaan shaqo marka horeba dhibaato looga caydhiyey tababarihii hayey.

Tababaraha Tottenham ee Maurizio Pochettino ayaa la sheegay inuu ka mid yahay liiska saddexda tababare, balse waxa ka horreeya Zidane iyo Mourinho.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa dalka Spain ayaa caddadkiisii maanta oo Khamiis ah soo baxay waxa uu ku xaqiijiyey in Florentino Perez uu mar hore go’aan ka gaadhay tababaraha uu magacaabayo.

Zinedine Zidane oo u qaaday saddex Champions League ka hor intii aanu dhamaadka bishii April ee sannadkii hore si lama filaan ah uga tegin, ayaa uu wargeysku sheegay in madaxweyne Perez uu doonayo inuu kusoo laabto shaqada.

Zidane ayaa hore ugaga tegay Real Madrid khilaaf la wariyey inuu u dhexeeyey Madaxweynaha oo ay ku kala aragti duwanaayeen sida ay kooxdu noqonayso kaddib saddex xili ciyaareed oo guulo ah, taas oo uu Zidane aaminsanaa in uu sii joogo Cristiano Ronaldo isla markaana ciyaartooyo kale lagu soo xoojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynihii hore ee Real Madrid, Calderon ayaa sheegay in Perez uu khadka telefoonka kula xidhiidhay Zidane, balse uu ninka reer France ka cudur-daartay inuu waqtigan shaqadaas qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*