Waa Maxay Sababta Ay Real Madrid Ugu Faraxday Guul-darradii PSG Kala Kulantay Manchester United?

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku faraxday guul-darradii xalay soo gaadhay PSG markii ay 3-1 ku garaacday Manchester United oo marti u ahayd.

Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa qoray in Real Madrid ay farxad u tahay khasaaraha PSG, isla markaana ay iyada faa’iido ugu jirto.

Kooxda ka dhisan caasimadda Spain oo Salaasadii guul-darro 4-1 ah ay Ajax ugu xambaarisay garoonka Santiago Bernabeu, kana hadhay Champions League, ayaa  waxay qorshaynaysaa in isbeddello waaweyn ay isku samayso marka uu furmo suuqa iibka ee xagaaga soo socda.

Wargeysku waxa uu sheegay in Real Madrid ay doonayso sidii ay ku heli lahayd labada ciyaartoy ee Kylian Mbappe iyo Neymar Jr, isla markaana ay u fududaan doonto inay ku qanciso inay kooxdooda ku cadaadiyaan in loo ogolaado inay Real Madrid ku biiraan.

Real Madrid ayaa labadan laacib si aad ah loola xidhiidhiyey sannadihii hore, laakiin waxay mar dambe sheegeen inay ku faraxsan yihiin PSG oo aanay meelna uga soconin.

Wargeyska AS ee warkan qoray waxa uu sheegay guul-darro kasta oo ku habsada PSG ay soo dedejin karto inay lumiso ciyaartoygeeda waaweyn.

Wargeysku waxa kale oo uu tilmaamay in Real Madrid ay laba jeer la xidhiidhay Monaco si ay uga hesho Mbappe ka hor intii aanu ku biirin PSG, iyadoo dul dhigtay 235 milyan oo Euro, hase yeeshee uu madaxweyne Florentino Perez labada laaciba isku dayi doono inuu gacanta ku dhigo marka uu furmo suuqu.

Real Madrid oo xilli hore macasalaamaysay dhamaan tartamada, ayaa sidoo kale raadinaysa tababare, waxaana lala xidhiidhinayaa Jose Mourinho iyo Zinedine Zidane.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*