RASMI: Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Waqtiga Uu Alex Oxlade-Chamberlain Markii Ugu Horaysay Garoomada Ku Soo Laabanayo Iyo Farxada Jamaahiirta Reds Ay Heleen.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa cadeeyay waqtiga uu xidiga kooxdiisa ee Alex Oxlade-Chamberlain dib ugu soo laabanayo garoomada kubbada cagta kadib marki uu muddo 11 bilood ah dhaawac ku maqnaa. Alex Oxlade-Chamberlain ayaa si buuxda diyaar ugu ah in uu ka soo laabto dhaawicii uu sanad ku dhawaadka la maqnaa.

Alex Oxlade-Chamberlain ayuu dhaawac halis ahi ka soo gaadhay jilibka intii lagu jiray kulankii lugtii hore ee afar dhamaadkii Champions league kaas oo ay Liverpool xili ciyaareedkii hore Anfield guul ugaga gaadhay AS Roma wuxuuna ahaa kulan dhacay bishii April 2018.

Laakiin waqti dheer oo uu Alex Oxlade-Chamberlain  ka soo shaqeeyay in uu taam noqdo waxa uu hadda diyaar u yahay in uu kooxda da’yarta Liverpool u safto kulanka Derby County wuxuuna Klopp sheegay in sababtu tahay sidii uu u heli lahaa waqti uu kulan ciyaareed ku helo inta aanu kooxda kowaad ka soo muuqan.

Tababare Jurgen Klopp oo ka hadlaya Alex Oxlade-Chamberlain ayaa yidhi: “Qorshuhu waxa uu yahay in uu qaato waqti kulan. Wax walba oo aan ku soo aragnay tababarku waxa uu xaqiiqdii ahaa wax fiican.Xaqiiqdii farxad ayay u muuqataa, laakiin waxaanu ognahay in farqi wayni u dhexeeyo tababar kasta oo aad qaadato iyo ciyaarista kulan caadi ah”.

Klopp oo sababta Alex Oxlade-Chamberlain  ugu ciyaarayo kooxda da’yarta ka hadlaya ayaa yidhi: “Ma aha kooxda ee waa go’aaminta xaaladaha iyo garoon ka wayn iyo cadaadis ka sareeya, waa heer diirad saarid ka duwan. Diyaar garowga kulan wuu ka duwan yahay tababarka caadiga ah, sidaa daraadeed, kadib waqti waqti dheer ciyaartoydu waxay u baahdaan in ay taas la qabsadaan”.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa haysta fursad fiican oo uu sare ugu soo qaadi karo hamigiisa ahaa in uu dhamaadka xili ciyaareedkan ku lug yeesho tartamada ay kooxdiisa Reds u loolamayso iyada oo markii hore shaki xoogan la galinayay in uu xili ciyaareedkan wax door ah ku yeelan karo.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa door fiican ka soo ciyaaray Liverpool xili ciyaareedkii hore, waxayna Klopp siinaysaa doorashooyin muhiim ah iyada oo soo laabashadiisu ay waqti muhiim ah ku soo beegmayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*