MAAD: Taageerayaasha Cristiano Ronaldo Oo Si Arxan Daro Ah Ugu Maadsaday Xasuuqii Real Madrid Ay Kala Kulantay Ajax

Waxa uu ahaa xili ciyaareed su’aalo badan layska waydiinayay sida ay Real Madrid ku xalin karto goolashii tirada badnaa ee uu Cristiano Ronaldo ku soo caawinayay kooxdiisii hor ee Madrid waxayna markasta ahayd su’aal hortaalay ciyaartoyda Los Blancos haddii ay awood u leeyihiin in ay sii wadi karaan horumarkii cajiibka ahaa ee ay ku soo jireen.

Waxaa la diwaan galiyay jawaabo aad u badan oo ay bixiyeen ciyaartoyda Real Madrid iyo maamulka kooxdoodu oo la xidhiidha bixitaankii Cristiano Ronaldo waxayna hadaladani inta badan dhibayeen taageerayaasha khaaska ah ee Cristiano Ronaldo.

Marar badan xili ciyaareedkan taageerayaasha khaaska ah ee Cristiano Ronaldo ee goob kasta oo uu joogo u raacaya ayaa Real Madrid waqtiyo badan ugu soo maadsaday xaalad xun oo ay ku jireen, laakiin markii ay xalay arkeen Real Madrid oo guuldaro 4-1 ah Bernabeu kagala kulantay Ajax waxay baraha bulshada ka dhigeen fawdo iyo meel ay Madrid ugu maadsadaan.

Iyada oo ayna suurtogal ahayn in la soo wada qaadan karo fariimaha iyo waxyaabaha ay taageerayaasha Ronaldo uga falceliyeen ceebtii Madrid soo gaadhay, aan halkan idiinku soo gudbino qayb ka mid ah iyo aragtidii ay bixinayeen.

Taageere ay ugu qoran tahay Cristiano Ronaldo ayaa soo qaatay hadaladii ay ciyaartoyda Real Madrid kaga jawaabeen markii bixitaankii Ronaldo wax laga waydiiyay.

Sida aad ku arki karto qoraalka hoose ee twitterka aan ka soo qaadnay waxa uu taageerahani ku maadsaday hadaladii ay ciyaartoyda Madrid kaga jawaabeen markii Ronaldo wax laga waydiyay wuxuuna soo qoray:

Bale:‘Waxaanu in badan nahay koox, hadda Ronaldo wuu tagay”

Carvajal: ‘Waayihii ciyaareed eee Rual ee Real Madrid ayaa ka fiicnaa kii Cristiano”.

Ceballos: ‘ Ma ogaanaysid maqnaansha Ronaldo’

Benzema: ‘ Anigu Waxaan u soo ciyaarayay Ronaldo, hadda aniga ayaa hogaamiye ah’

Taageere kale ayaa muuqaalka hoose ku soo koobay adkaysigii jamaahiirta Real Madrid ee ahaa in ayna u jabi doonin la’aanta Ronaldo, muuqaalka ayaana hadlaya.

Taageere kale ayaa soo qoray waxa ay Real Madrid u baahnayd kulankii Ajax ee ay guuldarada kala kulmeen Champions league wuxuuna sida qoraalka hoose ka muuqatay xusay in Madrid ay u baahnayd Ronaldo, Zidane, garsooraha iyo rekoodhayaal si ay Ajax u garaacaan, wuxuuna xusay in ayna midkoodna helin.

Mid kale ayaa hal sawir iyo qoraal kooban dareenkiisa ku soo bandhigay wuxuuna sawirka hoose soo raaciyay qoraalkan kooban wuxuuna yidhi: “Real Madrid: ‘Waxaanu ku guulaysan karnaa Champions league la’aanta Ronaldo” kadib waxa uu qoraalka halka hoose ka raaciyay Ajax.

Barta twitterka ee Ronaldo laga taageero ee TeamCRonaldo ayaa la soo dhigay sawirka Zidane iyo Ronaldo waxaana la soo raaciyay hadal uu Zidane hore uga sheegay Ronaldo waxaana qoraalka lagu yidhi: “Anigu waxaan markastaba sheegaa wax isku mid ah, anigu ma qiyaasi karo Real Madrid oo bilaa Cristiano Ronaldo ah”.


Halkan ka sii eeg falcelinta badan ee ay jamaahiirta Ronaldo ka sameeyeen guuldaradii Madrid ee Ajax

Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha Cristiano Ronaldo ayaa baraha bulshada ku mashquuliyay maada ay Real Madrid ka sameeyeen iyaga oo muuqaalo, sawiro iyo qoraalo tiro badan dareenkooda ku soo bandhigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*