Waanu U Jabnay Cristiano Ronaldo- Luka Modric Oo Ka Hor Kulanka Ajax Si Aan Gabasho Lahayn U Qiray Sida Ay U Tabeen Ronaldo.

Inta badan xili ciyaareedkan su’aasha ugu badan ee ciyaartoyda Real Madrid la waydiinayay waxay ahayd haddii dhibaatada kooxdooda haysatay ay salka ku hayso bixitaankii Cristiano Ronaldo, waxayna inta badan ciyaartoyda Madrid isku dayeen in ay hoos u dhigaan saamayntii uu Ronaldo kooxdooda ku yeeshay.

Laakiin Luka Modric ayaa ka hor kulanka Ajax ee caawa waxa uu si aan qarsoodi lahayn u qiray in kooxdiisu u jabtay bixitaankii Ronaldo iyo in ayna helin ciyaartoy badalkiisa u noqda laakiin waxa uu ku dooday in loo baahan yahay ciyaartoy kale oo hadda Madrid ka tirsani in uu isku taago sidii uu xaalada u xalin lahaa.

Luka Modric oo qiraya in ay u dhibtoodeen bixitaankii Cristiano Ronaldo isla markaana ay adag tahay in badalkiisa la helo ayaa yidhi: “Cristiano waa ciyaartoy ay koox kastaaba tabi lahayd, raadinta badalkiisu ugu dhawaan waa mid aan macquul ahayn. Dabcan anagu isaga waanu u darsanay, ee wax walba oo uu kooxda u soo qabtay”.

Luka Modric oo ka hadlaya wixii ay kooxdiisa Real Madrid samaysay markii uu Ronaldo baxay ayaa yidhi: “Waxa ay kooxdu isku dayday waa in ay culayska u qaybisay ciyaartoyda dhexdooda taasina wax sahlan ma aha. Cristiano waxa uu dhaliyaa 50 gool isla markaana ma heli kartid ciyaartoy kale oo taas samayn kara”.

Luka Modric ayaa intaas kadib xusay in loo baahan yahay in ay ciyaartoyda qaar talaabo sare u qaadaan si ay kooxda sare ugu qaadan wuxuuna yidhi: “Waxaa waajib ah in ay qaar talaabo hore u qaadaan, inkasta oo ayna 50 gool dhalinayn, laakiin ugu yaraan 15-20 gool ama xataa 10 gool, tani waa waxa naga maqan’.

Modric ayaa ka hadlay Bale, Benzema, Asensio iyo Vinicius iyo sida ayna wax ugu shaqayn qorshihii ay kooxdiisu samaysay wuxuuna yidhi: “Kooxdu waxay aamintay ciyaartoyda kale ee sida Gareth, Asensio, Karim waxayna keentay Mariano iyada oo Vinicius uu si fiican da’diida ugu shaqaynayo, laakiin waxyaabuhu umay shaqayn sidii la doonayay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*