Garooma Ayuu Chamberlain U Ciyaari Doonaa Liverpool Kaddib Dhaawacii Sannadka Uu Ku Maqnaa?

Muddo sannad ah oo uu garoomada ka maqnaa kaddib, Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la filayaa inuu toddobaadkan dib u bilaabo ciyaaraha, isla markaana uu u safto kulankiisii ugu horreeyey kooxdiisa Liverpool.

25 jirkan reer England oo dhaawac ku maqnaa tan iyo bishii April 2018 markii uu jilibka kaga cawarmay semi-finalkii Champions League oo laga dhex qaaday garoonka ciyaartii Roma, ayaa hadda dib ugu soo laabtay, waxaanu bishii February si buuxda u qaaatay tababarka isagoon dhibaato dareemaynin.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa kulankiisa ugu horreeya waxa uu Liverpool u safan doonaa Jimcaha toddobaadkan, isagoo kasoo muuqan doona kooxda da’yarta 23 jirrada oo ciyaar kula ballansan Derby County.

Inkasta oo anay Liverpool si buuxda u xaqiijinin inuu kulankan safan doono iyo in kale, haddana warbaahinta BBC Sports ayaa shaacisay in Chamberlain uu kulankan ciyaari doono ka hor inta aanu ciyaaraha kooxda waaweynka kusoo laabanin.

Chamberlain ayay Liverpool ku dartay liiska ciyaartoygeeda Champions League ee kulamada soo socda markii ay kooxuhu gudbinayeen magacyada laacibiinta u ciyaaraya bishii February, taas oo ka dambaysay kala-wareeggii suuqyada.

Liverpool oo hal dhibic ka hoos martay Manchester City oo hoggaanka horyaalka haysa xilli ay koox walba sagaal ciyaarood u hadhsan yihiin, ayaa waxay soo laabashada Alex Oxlade-Chamberlain ay u tahay niyad-dhis.

Dhinaca kale, Tababare Jurgen Klopp ayaa go’aan ka gaadhi doona inuu Chamberlain ku daro liiska xiddigaheeda u safan doona ciyaarta lugta labaad ee Wareegga 16-ka Champions League oo ay u tegi doonaan Bayern Munich 13 March, iyagoo lugtii horena kusoo kala baxay 0-0.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*