Telefishanka beIN Sports Oo Soo Saaray Wariyeyaasha Qaban Doona Kulamada Champions League Ee Salaasada – Yaa Tabin Doona Real Madrid vs Ajax & Dortmund vs Spurs?

Telefishanka ciyaaraha beIN Sports ayaa ku dhawaaqay wariyeyaasha qaban doona kulamada labaad ee tartanka Champions League ee wareegga 16-ka ee kooxaha Real Madrid vs Ajax iyo Borussia Dortmund vs Tottenham.

Telefishanka ayaa shaaciyey Channel-da ay kasoo geli doonaan kulamadan iyo wariyeyaasha ku baahin doona luuqadaha kala duwan, kuwaas oo xilli horeba usii diyaar-garoobi doona kulamadan xiisaha badan.

Qaybta luuqadda Carabiga ayaa uu telefishanku u qorsheeyey inay ka daawan doonaan labada Channel ee beIN Sports 1 iyo beIN Sports 2 oo ay labada ciyaarood kasoo kala geli doonaan, waxaana kulanka Borussia Dortmund iyo Tottenham lagu qoray hal wariye oo gaar u noqon doona qaybta Carabiga, halka ciyaarta kale ee Real Madrid iyo Ajax ay wada qaban doonaan laba wariye.

Tottenham oo ciyaartii hore 3-0 kusoo adkaatay garoonka Wembley ayaa Borussia Dortmund marti ugu noqonaysa garoonkeeda Signal Iduna Park, halka Real Madrid oo ciyaartii ay martida u ahayd Ajax ee magaalada Amsterdam kusoo adkaatay 2-1 ay Ajax ku martigelinayso garoonka Santiago Bernabeu.

Cusaam Shuwali oo ah wariye codkiisa la jecel yahay ayaa telefishanku u diray inuu qabto ciyaar dhex mari doonta kooxaha Al Ain vs Al Hillal oo isku haleelaya kulan ka tirsan tartanka kooxaha qaaradda Asia, taas oo ka saartay liiska wariyeyaasha kulamada Champions League.

Wariyeyaha kale ee caanka ah ee Xafiid Daraji ayaa mashquul ku noqon doona tartanka naadiyada Asia oo uu hayn doono ciyaarta Al Ahli Sudia vs Alsadd, balse waxa aan liiska kulamada tartamada Salaasad u qorshaysan telefishanka aan kusoo bixin Raouf Khalif.

Ciyaarta Borussia Dortmund vs Tottenham ayaa  uu telefishanka beIN Sports u qoondeeyey in laga daawado channelka beIN Sports 2, waxaana qaban doona wariye Nofal Baashe, hase yeeshee kulanka kale ee Real Madrid vs Ajax oo beIN Sports 1 kasoo geli doona ayaa waxa wada qaban doona labada wariye ee Cali Maxamed Cali iyo Khalid Xaddi.

Inkasta oo uu telefishanku isbeddel ku samayn karo wariyeyaashan haddii ay duruufo yimaaddaan, haddana taageereyaasha ayaa kusii talo-geli doona in wariyeyaashani ay noqon doonaan kuwa ay codkooda ka maqli doonaan qaybta luuqadda Carabiga ee kulamadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*