MUCJISADA TODDOBAADK: Man United & Borussia Dortmund Oo Mucjiso U Baahan, Wax Badan Ka Ogow Kooxihii Hore Taariikhda Uga Soo Dhigay Chapions league Ee Soo Laabashada Mucjisooyinka Lahaa Sameeyay

Waxaa lagu soo laabanayaa kulamadii lugta labaad ee UEFA Champions League kuwaas oo si rasmi ah loogu go’aamin doono siddeeda kooxood ee tartankan baaqiga ku si ahaan laakiin kooxaha qaar ayaa u baahan in ay taariikh cusub dhigaan si ay kooxaha soo baxaya uga mid noqdaan.

Kooxaha Manchester United iyo Borussia Dotmund ayaa u baahan in ay micjiso ka sameeyaan kulamada lugta labaad ee UEFA Champions league haddii ay doonayaan in ay u soo baxaan wareega xidiga ee Champions league.

Haddaba waxaanu idiinku soo gudbinaysa xogta kooxihii hore taariikhda uga soo sameeyay UEFA Champions League ee ka soo kabsatay kulamo lugta hore ee Champions League ay guuldaro soo gaadhay balse si layaableh u soo baxay.

Halkan kaga bogo koox kasta oo soo laabasho taariikhi ah ka samaysay wareegyada bug baxaya UEFA Champions League iyo natiijooyinkii oo faah faahsan.

Afar Gool Oo Lugta Hore Ee Champions League Looga Badiyay:

Lugtii Hore: PSG 4-0 Barcelona
Lugtii Labaad: Barcelona 6-1 Paris
2016/17 , Wareega 16ka UCL

Barcelona ayaa ilaa hadda ah kooxda kaliya ee abid ka soo kabsatay in kulankii lugtii hore ee Champions league wareegiisa 16ka ay guuldaro kula kulantay 4-0 waana kulankii PSG laakiin waxay kulankii lugtii labaad ku soo laabtay mucjisadii Camp Nou ee ay PSG ugu xasuuqday 6-1.

Saddex Gool Oo Lugta Hore Ee Champions League Looga Badiyay:

Lugtii Hore:Barcelona 4-1 Roma
Lugtii Labaad:Roma 3-0 Barcelona
2017/18 , Wareega Siddeed dhamaadka UCL

Lugtii Hore: AC Milan 4-1 Deportivo La Coruña
Lugtii Labaad:Deportivo La Coruña 4-0 AC Milan
2003/04 ,Wareega Siddeed dhamaadka UCL

Laba Gool Oo Lugta Hore Ee Champions League Looga Badiyay:

Lugtii Hore: Chelsea 3-1 Barcelona
Lugtii Labaad:Barcelona 5-1 Chelsea (aet)
1999/2000 ,Wareega Siddeed dhamaadka UCL

Lugtii Hore: Real Madrid 4-2 Monaco
Lugtii Labaad:Monaco 3-1 Real Madrid
2003/04 ,Wareega Siddeed dhamaadka UCL

Lugtii Hore: Napoli 3-1 Chelsea
Lugtii Labaad:Chelsea 4-1 Napoli (aet)
2011/12 ,Wareega 16ka UCL

Lugtii Hore: AC Milan 2-0 Barcelona
Lugtii Labaad:Barcelona 4-0 AC Milan
2012/13 ,Wareega 16ka UCL

Lugtii Hore: Paris Saint-Germain 3-1 Chelsea
Lugtii Labaad:Chelsea 2-0 Paris Saint-Germain
2013/14, Wareega Siddeed dhamaadka UCL

Lugtii Hore: Porto 3-1 Bayern München
Lugtii Labaad:Bayern München 6-1 Porto
2014/15 Wareega Siddeed dhamaadka UCL

Lugtii Hore:Wolfsburg 2-0 Real Madrid
Lugtii Labaad:Real Madrid 3-0 Wolfsburg
2015/16 Wareega Siddeed dhamaadka UCL

Miyay Manchester United iyo Borussia Dortmund ku biiri doonan kooxaha khaaska ah ee soo laabshada UEFA Champions league hore taariikhda iskugu soo qoray? Dortmund waxay u baahan tahay in ay ugu horayn iska soo celiso guuldaradii 3-0 ka ahayd ee ay Tottenham kala soo laabtay halka Man United ay marka hore u baahan tahay in ay iska soo celiso guuldaradii 2-0 ka ahayd ee ay PSG kagala kulantay Old Trafford.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*