Waa Kuma Ciyaariyahanka Soo Abaabulay Dabaal Dagii Ay Ciyaartoyda Barcelona Ku Sameeyeen Santiago Bernabeu Kadib Kulankii El-Clasico?

Ciyaartoyda Barcelona ayaan marnaba isku dayin iney qariyaan farxadda ay ka qaadeen guushii ay xalay ka gaareen Real Madrid, waxeyna soo idleeyeen sida la fahamsan yahay rajadii Los Blancos ee horyaalka kadib markii ay 1-0 kaga badiyeen kulan ka dhacay caasimadda.

Waxey ciyaartoyda u dabaal dageen si aan caadi aheyn iyagoo muujinaya farxadooda, xitaa uma aysan dabaal dagin sidaan markii ay Arbacadii 3-0 ku dileen isla markaana u gudbeen final-ka Copa del Rey, waxaana ay noqotay arrin wax la iska weydiiyo.

Kadib guushii xalay ee Santiago Bernabee, ciyaariyahanka reer Spain Gerard Pique ayaa isku xilqaamay inuu isku soo aruuriyo ciyaartoyda si ay u sameeyaan dabaal dag wadajir ah oo ka careysiiya jamaahiirta Los Blancos, waxeyna ku hor damaashaadeen qeybta ay taageerayaashooda ka fadhiyeen garoonka.

Pique wuxuu ka codsaday xiddig walba inuu muujiyo farxad isla markaana ay sameeyaan dabaal dag, ciyaartoyda waxey sameeyeen xeyndaab wareeg ah oo ay ku boodboodeen waqti kooban iyagoo qoslaya, waxeyna aheyd guushii xalay middii labaad oo xiriir ah oo ay caasimadda kaga gaaraan Real Madrid.

Sidoo kale ciyaartoyda Balaugrana ma aysan joojin iney u dabaal dagaan guushii xalay, waxeyna qosolkooda kusii wateen qolka labiska iyagoo baraha bulshada soo dhigay sawiro iyo muuqaalo ay ku cadeynayaan dabaal dagga iyo farxadooda kulankii xalay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*