Sidani Waa Laba Wajiilayn! – Jamaahiirta Arsenal Oo Cabasho Weyn Muujiyey Kaddib Ciyaartii Tottenham

Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa cabasho ka muujiyey ciyaartii ay barbarraha la galeen Tottenham ee ka dhacday garoonka Wembley.

Arsenal ayaa heshay fursad ay kaalinta afraad kusii xajisan karto, hase yeeshee weeraryahanka Aubameyang ayaa ka khasaariyey rikoodhe qaybtii labaad oo dhamaad ah loo dhigay, waxaanay ugu dambayn ku kala baxeen barbar-dhac 1-1 ah.

Arsenal ayaa u degtay kaalinta shanaad markii ay Manchester United guul xilli dambe kasoo hoysay Southampton, waxaanay hadda hal dhibic ka sarraysaa Gunners, halka laba dhibcoodna ay ka dambayso Tottenham oo kaalinta saddexaad fadhida.

Daqiiqaddii ugu dambeeyey ee ciyaarta, waxa kaadh cas oo toos ah garoonka lagaga saaray laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Lucas Torreira, kaddib markii uu khalad ku galay difaaca Tottenham ee Danny Rose, hase yeeshee taageereyaasha Arsenal ayaa ka cadhooday go’aanka uu garsoore Anthony Taylor ka qaatay ciyaartoygooda ee uu kaadhka cas ku siiyey.

Jamaahiirta oo falcelintooda kusoo bandhigay barta bulshada ee Twitterka ayaa waxay Taylor ku eedeeyeen inuu labada kooxood u kala eexday oo uu Torreira siiyey kaadhka cas xilli uu kubadda sii taabtay ka hor intii aanay lugtiisu gaadhin Rose.

Sidoo kale jamaahiirtu waxay ku doodeen in garsoore Anthony Taylor aanu wax kaadh ah siinin Danny Rose oo khalad ku galay goolhaye Bernd Leno isagoo aan xattaa kubadda taabanin.

Garsooreyaasha ayaa isku waafaqay in loo laba-wajiileeyey oo laga eexday.

“Torreira waxa loo taagay kaadhka cas isagoo loollamaya oo kubadda sii taabtay markii hore. Danny Rose gebi-ahaanba kubadda muu haysanin, waxaanu helay kaadh digniin ah. Waa naga eexday Anthony Taylor.” Sidaa waxa soo qoray mid ka mid ah taageereyaasha Arsenal.

Halkan ka akhri cabashadii jamaahiirta Arsenal:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*