WAR CUSUB: Miyuu Edinson Cavani Ciyaari Doonaa Kulanka PSG vs Manchester United?

Edinson Cavani ayaa dhaawac ku seegay ciyaartii ay kooxdiisa PSG guusha kaga soo hoysay garoonka Old Trafford oo ay Manchester United ku soo karbaashtay 2-0, waxaana aan la hubin inuu diyaar u noqon doono kulankooda labaad ee ka dhacay magaalada Paris.

Cavani ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay kulan ay kooxdiisu la ciyaartay Bordeaux markii ay taariikhdu ahayd February 9, waxaase uu toddobaadkan kusoo laabtay tababarka kooxdiisa, taas oo rajo hor leh gelisay naadigiisa oo filanaya inay ku xisaabtami doonaan kulanka Arbacada ku martigelin doonaan Manchester United.

Tababaraha PSG, Thomas Tuchel oo ka hadlayay shir jaraa’id oo gellinkii hore ee Jimcihii uu ku qabtay magaalada Paris ayaa waxa uu caddeeyey in Cavani aanu diyaar u ahayn inuu safto kulanka Sabtida ay kooxdiisu la ciyaari doonto Caen oo ay ku kulmayaan tartanka Ligue 1.

Tababare Tuchel waxa uu sheegay in aanu wax war ah ka haynin xaaladda xiddiga kooxdiisa ee Neymar oo sidoo kale dhaawac ah, balse uu Cani kusoo laabtay tababarka inkasta oo aanu diyaar u ahayn ciyaarta Caen, waxaanu  yidhi: “War kama hayo Ney, laakiin Cavani maanta ayuu kusoo laabtay tababarka markii ugu horreysay. Ma garanayo inuu tababarka wada dhamaysan karayo laakiin diyaar uma aha ciyaarta berri (Sabtida).”

Tababare Tuchel waxa kale oo uu xusay in aanu khatar gelin doonin Cavani isagoo kusoo dedejinaya garoomada, balse ay farxad u tahay inuu tababarka kusoo laabto ka hor ciyaarta Manchester United, waxaanu yidhi: “Waanu ku faraxsanahay inuu tababarka nala bilaabay. Haddii aan xaqiiqda ka hadlo, waqtigu wuu ku yaryahay si uu diyaar ugu noqdo ciyaarta Manchester United. Stanley N’Soki oo dhaawac ah iyo Sebastien Cibois oo  xanuunsanaya ayaa sidoo kael seegaya ciyaarta berri.

Maqnaanshaha Cavani iyo Neymar, waxa uu weerarka PSG kusoo koobayaa Kylian Mbappe oo ah xiddiga ugu muhiimsan ee ay haystaan, hase yeeshee Rolland Courbis oo ah tababaraha Caen ayaa waxa uu u ballan-qaaday ciyaartoygiisa inuu casuumad u samayn doono haddii ay joojiyaan Mbappe.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*