Telefishanka beIN Sports Oo Soo Saaray Wariyeyaasha Tabin Doona Kulamada Sabtida – Yaa Qaban Doona Tottenham vs Arsenal & Real Madrid vs Barcelona

Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey magacyada wariyeyaasha qaban doona kulamada usbuucan, gaar ahaan kuwa Sabtida ee qaybta luuqadda Carabiga.

Wariyaha codka macaan ee Raouf Khalif oo maqnaa kulamadii toddobaadkii hore ayaa dib usoo laabtay oo kulamada Sabtida diyaar u ah, laakiin wariyaha weyn ee Cusmaan Shuwali ayaanu magaciisu kusoo bixin wariyeyaasha kulamada Sabtida hayn doona, taas oo ka dhigan inay suurtogal tahay inuu ciyaaraha Axadda qaban doono.

Usbuucan oo ah mid mashquul badan oo ay kooxuhu ciyaari doonaan is-araggii labaad ee Champions League wareegga 16-ka iyo sidoo kale Europa League oo wareegga 16-ka ay kulamadiisii hore qabsoomi doonaan, ayaa waxa uu telefishanku soo bandhigay kulamada hore ee Sabtida.

Ciyaarta ugu adag horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League toddobaadkan, waa midda ay garoonka Wembley ku wada ciyaarayaan Tottenham iyo Arsenal, taas oo telefishanka beIN Sports uu ka baahin doono beIN Sports 2, halka Manchester United iyo Southampton ay beIN Sports 8 ka bixi doonaan. Sidoo kalena ciyaarta dhex-mari doonta Bournemouth iyo Manchester City ayaa xilli horeba uu telefishanku u asteeyey channelka beIN Sports 2 oo ah channelka ay Tottenham vs Arsenal xilliga hore kasoo geli doonto.

Kulanka El Clasico ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa sidoo kale uu telefishanku shaaciyey channelka ay kasoo geli doonto iyo wariyeyaasha qaban doona, waxaana uu u asteeyey in laga daawado saddex channel iyo sidoo kale laba wariye.

Haddaba halkan ka akhriso kulamada muhiimka ah, channelada uu telefishanka beIN Sports ka baahin doono iyo wariyeyaasha qaban doona:

Premier League

Tottenham vs Chelsea – beIN Sports 2 – Cali Maxamed Cali

Manchester United vs Southampton – beIN Sports 8 – Xasan Caydarus

Bournemouth vs Manchester City – beIN Sports 2  – Axmed Dayib

Serie A

AC Milan vs Sassoulo – beIN Sports 4 – Khalid Xaddi

Lazio vs Roma – beIN Sports 4 – Xafiid Dajari

Bundesliga

Bayern Leverkusen vs Bayern Munich – beIN Sports 5 – Axmed Cabdi

Ligue 1

Caen vs Paris Saint-Germain – beIN Sports 6 – Nowfil Bashe

LaLiga

Hercles vs Sevilla – beIN Sports 8 – Axmed Fuad

Real Madrid vs  Barcelona – beIN Sports HD1, HD2, HD8 – Raouf Khalif & Khaliil Balushi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*